عَنْ زِيَادِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه قَالَ: ذَكَرَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ شَيْئًا، فَقَالَ: «ذَاكَ عِنْدَ أَوَانِ ذَهَابِ الْعِلْمِ» قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَكَيْفَ يَذْهَبُ الْعِلْمُ، وَنَحْنُ نَقْرَأُ الْقُرْآنَ وَنُقْرِئُهُ أَبْنَاءَنَا وَيُقْرِئُهُ أَبْنَاؤُنَا أَبْنَاءَهُمْ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ: «ثَكِلَتْكَ أُمُّكَ زِيَادُ، إِنْ كُنْتُ لَأُرَاكَ مِنْ أَفْقَهِ رَجُلٍ بِالْمَدِينَةِ، أَوَلَيْسَ هَذِهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى يَقْرَؤونَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنْجِيلَ، لَا يَعْمَلُونَ بِشَيْءٍ مِمَّا فِيهِمَا؟!».
Siyaad Binu Labiid Allaha ka rali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo, waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, sidee buu cilmigu u tagayaa, anagoo akhriyeyna Qur'aanka ubadkayagana aan barayno, ubadkayaguna ubadkooda sii barayaan ilaa qiyaamaha?, wuxuu yiri-Rasuulku-:(hooyadaa ku wayday siyaad, waxaan kuu malaynaayey ninka ugu fiqiga badan Madiina, kuwani miyaanay ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo Tawraat iyo Injiil akhriyaya, hadana aanay ku camal falayn waxa ku qoran.
Waxaa wariyay Ibnu MaajahDarajoXadiis Saxiix ah, marka la eego kuwa lamida
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, walaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku wayday waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u cadeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, hadana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay ka barteen.
Faa’iidooyin
- Waxaa jira kutub iyo Suxuf dadka gacantooda ku jira oo aan waxba tarayn hadaan lagu camal falayn.
- Sida cilmiga loo waayo waxaa ka mida arimo ay ka mid tahay: dhimashada Nabiga scw, dhimashada culimada, iyo cilmiga oo aan lagu camal falin.
- Calaamadaha qiyaamaha waxaa ka mida cilmiga oo la waayo iyo cilmiga oo laga tago ku camal falkiisa.
- Waxaa la isku booriyey in cilmiga lagu camal falo, ujeedaduba waa intaasee.
Tixraac
سنن ابن ماجه (5/ 172) (4048)، سنن الترمذي (4/ 328) (2653)، مسند أحمد (39/ 417) (23990)، الكاشف عن حقائق السُّنن (2/721)، المفهم (6/705)، مشارق الأنوار الوهاجة (2/146)، مرشد ذوي الحجا والحاجة إلى سنن ابن ماجه والقول المكتفى على سنن المصطفى (24/ 274).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنهما أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا تَعَلَّمُوا الْعِلْمَ لِتُبَاهُوا بِهِ الْعُلَمَاءَ، وَلَا لِتُمَارُوا بِهِ السُّفَهَاءَ، وَلَا تَخَيَّرُوا بِهِ الْمَجَالِسَ، فَمَنْ فَعَلَ ذَلِكَ، فَالنَّارُ النَّارُ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِabihiye waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun ama in la idinku ixtiraamo, Qofka intaa suubiya Naartuu mudan Naartuu muda".
Waxaa wariyay Ibnu MaajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumo yahay, iyo in lagula murmo wax ma Garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa Naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.
Faa’iidooyin
- Naarta ayaa loogu goodiyey Qofka cilmiga u barta faan ama inuu Culimada kula murmo ama in lagu xurmeeyo iyo wixii la mida.
- Ahmiyada ay leedahay in ikhlaas loola yimaado niyada Qofkii doonaya inuu cilmi barto ama uu baro.
- Niyadu iyadaa aasaas u ah camalka, iyadana Qofka lagu abaal marin.
Tixraac
سنن ابن ماجه (1/ 170) (254)، مرشد ذوي الحجا والحاجة (2/378)، مشارق الأنوار الوهاجة ومطالع الأسرار البهاجة في شرح سنن الإمام ابن ماجه (4/ 482).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com