U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Cilmiga

7 xadiis

idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ: خَرَجَ مُعَاوِيَةُ عَلَى حَلْقَةٍ فِي الْمَسْجِدِ، فَقَالَ: مَا أَجْلَسَكُمْ؟ قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ، قَالَ آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟ قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَمَا كَانَ أَحَدٌ بِمَنْزِلَتِي مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَقَلَّ عَنْهُ حَدِيثًا مِنِّي: وَإِنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَرَجَ عَلَى حَلْقَةٍ مِنْ أَصْحَابِهِ، فَقَالَ: «مَا أَجْلَسَكُمْ؟» قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ وَنَحْمَدُهُ عَلَى مَا هَدَانَا لِلْإِسْلَامِ، وَمَنَّ بِهِ عَلَيْنَا، قَالَ: «آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟» قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: «أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَلَكِنَّهُ أَتَانِي جِبْرِيلُ فَأَخْبَرَنِي أَنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يُبَاهِي بِكُمُ الْمَلَائِكَةَ».
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Mucaawiye Binu Abii Sufyaan -Allaha ka raali ahaadee- ayaa kusoo baxay xalaqo masaajidka dad u fadhiyey, wuxuuna weydiiyey sababta ay isugu yimaadeen, waxay ku dheheen: Ilaahay baan xusaynaa, markaasuu dhaariyey inaysan wax kale u fadhin oo u kulmin xuska Ilaahay maahee, wayna u dhaarteen, Hadana wuxuu ku yiri: anigu idiin maan dhaarin shaki aan idinka qabo adinka iyo run sheegiina, wuxuuna u sheegay darajada uu ka joogo Nabiga scw, iyo inuusan jirin qof nabiga scw uga dhawaa , waayo umu xabiiba oo walaashi ah ayaa xaaskii Nabiga scw ahayd, isaguna wuxuu ka mid ahaa kuwa qora waxyiga, sidaas oo ay tahay hadana way yar tahay axaaddiista uu wariyey, Wuxuu u sheegay iyaga in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu maalin ka soo baxay gurigiisa, wuxuu arkay asaxaabta oo masjidka fadhiya oo Ilaahay xusaya kuna mahadinaya inuu ku hanuuniyey Islaamka, kuna galadaystay Islaamka, Nabigu scw wuu waydiiyey waana dhaariyey, sida uu ku sameeyey Mucaawiye Allaha ka raali noqdee asxaabta oo kale. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku yiri isagoo u sheegaya sababta uu u waydiiyey su'aasha oo uu u dhaariyey: inay ahayd inuu malakul Jibriil u yimid, oo uu u sheegay inuu Ilaahay casa wajala Malaa`igta ugu faanayo adinka, oo uu u muujinaayo fadligiina aad dheertihiin malaa`igta oo uu tusinaayo camalkiina wanaagsan, oo uu idinku amaano malaa`igta horteeda.

Faa’iidooyin
  1. Xaddiiska waxaa ku jira fadliga saxaabiga Mucaawiye- Allaha ka raali ahaadee- iyo ku dadaalkiisa inuu ku daydo Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- xaga fidinta cilmiga.
  2. Way banaan tahay in qofka la dhaariyo isaga oo aan la tuhmayn, si loogu baraarujiyo muhimada uu leeyahay warka loosheegayo.
  3. fadli wayn baa ku jira fadhiyada dikriga iyo cilmiga lagu haayo, Ilaahayna wuu jecel yahay wuuna ugu faanaa malaa`igta.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2075) (2701). نزهة المتقين (2/ 993). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 522). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (17/ 271).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa

عن معاوية رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ يُرِدِ اللهُ بِهِ خَيْرًا يُفَقِّهْهُ فِي الدِّينِ، وَإِنَّمَا أَنَا قَاسِمٌ، وَاللهُ يُعْطِي، وَلَنْ تَزَالَ هَذِهِ الْأُمَّةُ قَائِمَةً عَلَى أَمْرِ اللهِ، لَا يَضُرُّهُمْ مَنْ خَالَفَهُمْ، حَتَّى يَأْتِيَ أَمْرُ اللهِ».
Mucaawiye Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa, anigu qaybiye ayaan ahay, Ilaahay ayaa wax bixiya, Ummaddaani ka suulimayso inay xaqa ku taagan tahay mana dhibayso cidii khilaafta ilaa amarka Ilaahay yimaado".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku irsaaqo fahamka Diinta, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii kaleba, irsaaqad bixiyaha dhabta ahina waa Ilaahay, wixii Ilaahay ka soo harayna waa asbaab aan waxba tarayn in Ilaahay u idmo maahee, ummaddaanina ka tagimayso inay amarka Ilaahay ku taagan tahay, mana dhibayso cidii khilaataa ilaa Qiyaamuhu dhoco.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga weyn ee cimliga Shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.
  2. Waa lama huraan in xaqa lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaqa, oo hadii Qolo ka tagto Qolo kale ay ku taagnaato.
  3. Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay Adoonkiisa.
  4. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonista Ilaahay, ee isagu waxbana mahaysto.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 25) (71). صحيح مسلم (2/ 718) (1037). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 485). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 324). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 424). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 688).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso

عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: لَأُحَدِّثَنَّكُمْ حَدِيثًا سَمِعْتُهُ مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لاَ يُحَدِّثُكُمْ بِهِ أَحَدٌ غَيْرِي: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ أَنْ يُرْفَعَ العِلْمُ، وَيَكْثُرَ الجَهْلُ، وَيَكْثُرَ الزِّنَا، وَيَكْثُرَ شُرْبُ الخَمْرِ، وَيَقِلَّ الرِّجَالُ، وَيَكْثُرَ النِّسَاءُ حَتَّى يَكُونَ لِخَمْسِينَ امْرَأَةً القَيِّمُ الوَاحِدُ».
Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan idiin sheegin Xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Xadiis kaas Qof aan aniga ahayn idiin sheegi maayo: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo dhahaya: Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in calaamadaha Qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la qaado Cilmiga Shareecada, waayo Culumadaa dhamaanaysa. Taas waxaa ka imaanaaya in Jahligu faafo siina badato Sinada iyo Faaxishadu, khamri cabiduna badato, tirada Ragguna yaraato, tirada Dumarkuna badato, ilaa kontonkii Dumar ahba uu ku soo aado hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta calaamadaha Qiyaamaha qaarkood.
  2. Ogaanshaha Waqtiga Qiyaamaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Qaybka ah ee Ilaahay kaligi og yahay.
  3. Waxaa la isku booriyey in Cilmiga Shareecada la barto intaan la waayin.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 37) (5231)، صحيح مسلم (4/ 2056) (2671)، فتح الباري لابن حجر (9/ 330)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (20/ 213).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

toban aayadood, mana ay qaadan jirin tabanka kale ilaa ay bartaan waxa ku jira ee cilmi iyo camalba ah

عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ السُّلَمي رحمه الله قَالَ: حَدَّثَنَا مَنْ كَانَ يُقْرِئُنَا مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُمْ كَانُوا يَقْتَرِئُونَ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَشْرَ آيَاتٍ، فَلَا يَأْخُذُونَ فِي الْعَشْرِ الْأُخْرَى حَتَّى يَعْلَمُوا مَا فِي هَذِهِ مِنَ الْعِلْمِ وَالْعَمَلِ، قَالُوا: فَعَلِمْنَا الْعِلْمَ وَالْعَمَلَ.
Abii Cabdiraxmaan Asulami Allaha u naxariistee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu noo sheegay mid noo akhrin jiray oo asxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka mid ahaa, asxaabtu waxay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka akhrisan jireen toban aayadood, mana ay qaadan jirin tabanka kale ilaa ay bartaan waxa ku jira ee cilmi iyo camalba ah, waxay yiraahdeen: waan baranay cilmigii iyo camalkiiba.
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee waxay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka qaadan jireen toban Aayadood oo Quraanka ah, wax kale ma ay qaadan jirin ilaa ay bartaan waxa ku jira tobankaa ee cilmi ah kuna camal falaan, markaasay cilmigii iyo camalkiiba isla heleen.`

Faa’iidooyin
  1. Fadliga ay leeyihiin asxaabtu Allaha ka raali noqdee iyo dadaalka ay ku bixiyeen barashada Qur'aanka.
  2. Qur'aanka barashadiisu waa in loo barto cilmi ahaan laguna camal falo waxa ku yaal, ee ma aha akhrintiisa iyo xifdigiisa oo keliya.
  3. Cilmig barashadiisa ayaa ka horaysa wax sheegida iyo camal falka.
Tixraac

مسند أحمد (38/ 466) (23482).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey)

عَنْ ‌أُبَيِّ بْنِ كَعْبٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ. قَالَ: «يَا أَبَا الْمُنْذِرِ، أَتَدْرِي أَيُّ آيَةٍ مِنْ كِتَابِ اللهِ مَعَكَ أَعْظَمُ؟» قَالَ: قُلْتُ: {اللهُ لا إِلَهَ إِلا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ} [البقرة: 255]. قَالَ: فَضَرَبَ فِي صَدْرِي، وَقَالَ: «وَاللهِ لِيَهْنِكَ الْعِلْمُ، أَبَا الْمُنْذِرِ».
Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayda ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey).
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa Aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku dhuftay Laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

Faa’iidooyin
  1. waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqdee.
  2. Ayatul Kursigu waa Aayada ugu weyn Kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 556) (810)، إكمال المعلم (3/178)، الكاشف عن حقائق السنن (5/1644)، المفهم (2/436)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (16/ 394).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com