Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku irsaaqo fahamka Diinta, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii kaleba, irsaaqad bixiyaha dhabta ahina waa Ilaahay, wixii Ilaahay ka soo harayna waa asbaab aan waxba tarayn in Ilaahay u idmo maahee, ummaddaanina ka tagimayso inay amarka Ilaahay ku taagan tahay, mana dhibayso cidii khilaataa ilaa Qiyaamuhu dhoco.
- Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga weyn ee cimliga Shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.
- Waa lama huraan in xaqa lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaqa, oo hadii Qolo ka tagto Qolo kale ay ku taagnaato.
- Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay Adoonkiisa.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonista Ilaahay, ee isagu waxbana mahaysto.
صحيح البخاري (1/ 25) (71). صحيح مسلم (2/ 718) (1037). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 485). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 324). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 424). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 688).