عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا سَمِعْتُمُ النِّدَاءَ، فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ المُؤَذِّنُ».
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu yiri: "Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu naxariis iyo nabadi korki ha ahaatee wuxuu ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'adinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaada, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa billaah.
Faa’iidooyin
- Mu'adinka labaadna wuu ka daba dhahayaa markuu kan hore dhameeyo, xataa haday bataan mu'adiniintu, waayo xadiisku waa caam yeelayaa.
- mu'adinka wuu ka daba dhahayaa xaaladihiisa oo dhan, haduuna suuli ku jirin, ama uusan xaajo gudanayn.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 126) (611).
صحيح مسلم (1/ 288) (383).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص120).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 98).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ سَعْدِ بْنِ أَبِي وَقَّاصٍ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ: «مَنْ قَالَ حِينَ يَسْمَعُ الْمُؤَذِّنَ أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، رَضِيتُ بِاللهِ رَبًّا وَبِمُحَمَّدٍ رَسُولًا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، غُفِرَ لَهُ ذَنْبُهُ».
Sacad Binu Abii Waqaas -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: {Qofka dhaha markuu maqlo mu'adinka: Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kali yahay oo cid wax la wadaagta aysan jirin, Maxamedna uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, waxaan raali ka ahayn inaan Ilaahay Rabi ka dhigto oo Maxamed aan ka dhigto Rasuul oo aan Islaamkana ka dhigto diin, danbigiisa waa la dhaafaa}
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofka dhaha marka uu maqlo mu'adinka: ( waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kaligi yahay oo aan cidna wax la wadaagin) yacni: waxaan qirayaa oo ictiraafayaa oo sheegayaa in uusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, Ilaah walba oo aan Ilaahayna waa baadil. (Maxamedna uu yahay Adoonkii iyo Rasuulkii Ilaahay) yacni: inuu yahay Adoon aan la caabudin iyo Rasuul aan been sheegin. " Raali ayaan ka ahay inaan Ilaahay Rabi ka dhigto'' yacni: Raali ayaan ka ahay Ilaahay Rabi nimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacdiisa iyo sifooyinkiisa, ( Maxamedna aan ka dhigto Rasuul) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan wixii lala soo diray iyo inuu na soo gaarsiiyey, ( iyo Islaamka) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan axkaamta Islaamka oo ay ka mid tahay wixii la is faray iyo wixii la iska reebay. (Diinan) yacni: waan rumaynayaa waana u hogaansamayaa. ( Waa loo dhaafaa danbiigsa) yacni: waxaa laga dhaafayaa dambiyadiisa yar-yar.
Faa’iidooyin
- Ku cel-celinta ducadan marka aadaanka la maqlayo waxay ka mid tahay waxyaabaha dambiyada lagu dhaafo.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 290) (386).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 39).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لملا علي القاري (2/ 562).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 254).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (2/ 771).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِذَا قَالَ الْمُؤَذِّنُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، فَقَالَ أَحَدُكُمُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الصَّلَاةِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الْفَلَاحِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ مِنْ قَلْبِهِ دَخَلَ الْجَنَّةَ».
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha Ilaa Allaah, uu ka daba dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha ilaa Allaah, haddana dhaho: Ashhadu Ana Maxamedan Rasuul Allaah, ee ka daba dhoho: Ashhadu ana Maxamedan Rasuul Allaah, haddana dhoho: xaya cala Salaah, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata illaa Billaah, hadana dhoho: xaya calal falaax, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah, haddana dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, isna ka daba dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: laa Ilaaha ilaa Allaah, isna ka daba dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah isago ay qalbiga ka tahay Janaduu gelayaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Aadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo gelida waqtiga Salaada, erayada Aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay.
Xadiiskan Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu ku cadeyey inay Sharci tahay Qofku markuu Aadaanka maqlo, in Qofka maqlaya uu yiraahdo sida Mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii Mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' Qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro Mu'adinku '' xaya cala Salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran Qofka maqlayaa Aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah ''.
Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee in qofka ka daba dhaha Mu'adinka erayada Aadaanka isago ay qalbi iyo daacad ka tahay inuu Janada gelayo.
Macnaha Erayada Aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa wax walba ka weyn oo ka mudan.
'' Ashhadu alaa Ilaa Ilaaha Ilaa Allaah '':Iilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro.
''Ashhadu ana Maxamedan Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamed yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay.
''Xaya cala Salaat'', u kaalaya Salaada, hadalka Qofka maqlaya Aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafajiyo mooyee.
''Xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto Janada lagana bad-baadada Naarta.
Faa’iidooyin
- fadli ayuu leeyahay in laga daba dhoho Mu'adinka erayada uu oranayo marka laga reebo ''xaya cala Salaat iyo xaya calal-falaax'', taasoo uu oranayo ''laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah''.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 289) (385)، إكمال المعلم (2/253)، شرح النووي على مسلم (4/88)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 116).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنها أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِذَا سَمِعْتُمُ الْمُؤَذِّنَ فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ، ثُمَّ صَلُّوا عَلَيَّ، فَإِنَّهُ مَنْ صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا، ثُمَّ سَلُوا اللهَ لِيَ الْوَسِيلَةَ، فَإِنَّهَا مَنْزِلَةٌ فِي الْجَنَّةِ، لَا تَنْبَغِي إِلَّا لِعَبْدٍ مِنْ عِبَادِ اللهِ، وَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ أَنَا هُوَ، فَمَنْ سَأَلَ لِيَ الْوَسِيلَةَ حَلَّتْ لَهُ الشَّفَاعَةُ».
Cabdullaahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya, waayo Qofka igu saliya hal mar Ilaahay ayaa toban jeer ku saliya, ka dibna ii weydiiya Ilaahay wasiila, wasiiladu waa darajo Janada ku taal, oo aan ku haboonayn Adoon ka mida Adoomada Ilaahay mooyaane, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaas, Qofka ii waydiiya wasiila waxaa gaaraya Shafaacadayda".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Ummaddiisa ku booriyey i Qofka maqla Mu'adinka Salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay Mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa Billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka Aadaanku dhamaado, Qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban Salaadood, Salaada Ilaahay ku saliyaayo Adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay Adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda.
Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo weydiiyo ''wasiila'', waana darajo Janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal Adoon oo Adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal Qof mudan yahay, Qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.
Faa’iidooyin
- Waxaa la isku boorinayaa in la ajiibo Mu'adinka.
- Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in lagu saliyo fadli ayey leedahay Mu`adinka marka la ajiibo ka dib.
- Waxaa la isku boorinayaa in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'' marka lagu saliyo isaga ka dib.
- Wasiiladu waa darajo sare, oo Adoon qura maahee cid kale u qalmin.
- Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadligiisa waxaana lagu gaar yeelay darajadaas sare.
- Qofka Ilaahay u waydiiya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ''wasiila'' shafaacadiisa ayuu helayaa.
- Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa waayo wuxuu weydiistay Ummaddiisu inay Ilaahay uga barido darajadaas sare, iyadoo darajaas isaga la siin doono.
- Waa Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa waasaca ah, oo halka xasano waxay u dhigantaa toban iyada la mida.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 288) (384)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 111 (9/ 109)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 13).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن سالم بن أبي الجَعْدِ قال: قال رجل: ليتني صَلَّيتُ فاسترحْتُ، فكأنّهم عابُوا ذلك عليه، فقال: سمعتُ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم يقول: «يا بلالُ، أقِمِ الصَّلاةَ، أرِحْنا بها».
Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaas ay ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, Salaada aqiim oo noogu raaxee".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin Saxaabada ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: Bilaalow! kor u qaad Aadaanka oo Salaada aqim, si aan ugu raaxaysano, taasina waa waxa ku jira Salaada ee ah Ilaahay la sheekaysigiisa iyo raaxada Ruuxda iyo Qalbiga ah.
Faa’iidooyin
- Raaxada Qalbigu Salaaday ku jirtaa, waayo waxaa ku jira Salaada Ilaahay la sheekaysigiisa.
- Waa in lagu inkiro Qofka cibaadada ka Caga jiida.
- Qofka guta waajibka saaran, ee masuuliyada saaran ka soo baxa, wuxuu helayaa oo uu dareemayaa raaxo iyo xasilooni.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 338) (4985)، الكاشف عن حقائق السُّنن (4/1217)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (13/ 225)، مرقاة المفاتيح (3/939) ، شرح سنن أبي داود للعباد (567/ 6).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com