U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا سَمِعْتُمُ النِّدَاءَ، فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ المُؤَذِّنُ».
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu yiri: "Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korki ha ahaatee wuxuu ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'adinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaada, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa billaah.

Faa’iidooyin
  1. Mu'adinka labaadna wuu ka daba dhahayaa markuu kan hore dhameeyo, xataa haday bataan mu'adiniintu, waayo xadiisku waa caam yeelayaa.
  2. mu'adinka wuu ka daba dhahayaa xaaladihiisa oo dhan, haduuna suuli ku jirin, ama uusan xaajo gudanayn.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 126) (611). صحيح مسلم (1/ 288) (383). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص120). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 98).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Aadaanka iyo Iqaamada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com