Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofka dhaha marka uu maqlo mu'adinka: ( waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kaligi yahay oo aan cidna wax la wadaagin) yacni: waxaan qirayaa oo ictiraafayaa oo sheegayaa in uusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, Ilaah walba oo aan Ilaahayna waa baadil. (Maxamedna uu yahay Adoonkii iyo Rasuulkii Ilaahay) yacni: inuu yahay Adoon aan la caabudin iyo Rasuul aan been sheegin. " Raali ayaan ka ahay inaan Ilaahay Rabi ka dhigto'' yacni: Raali ayaan ka ahay Ilaahay Rabi nimadiisa, Ilaahnimadiisa, magacdiisa iyo sifooyinkiisa, ( Maxamedna aan ka dhigto Rasuul) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan wixii lala soo diray iyo inuu na soo gaarsiiyey, ( iyo Islaamka) yacni: waxaan rumaynayaa dhamaan axkaamta Islaamka oo ay ka mid tahay wixii la is faray iyo wixii la iska reebay. (Diinan) yacni: waan rumaynayaa waana u hogaansamayaa. ( Waa loo dhaafaa danbiigsa) yacni: waxaa laga dhaafayaa dambiyadiisa yar-yar.
- Ku cel-celinta ducadan marka aadaanka la maqlayo waxay ka mid tahay waxyaabaha dambiyada lagu dhaafo.
صحيح مسلم (1/ 290) (386). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 39). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لملا علي القاري (2/ 562). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 254). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (2/ 771).