U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qubayska

4 xadiis

Qaabka looga qubaysto Qasliga:

عَنْ مَيْمُونَةُ أُمِّ المؤمِنينَ رضي الله عنها قَالتْ: وَضَعْتُ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ غُسْلًا، فَسَتَرْتُهُ بِثَوْبٍ، وَصَبَّ عَلَى يَدَيْهِ، فَغَسَلَهُمَا، ثُمَّ صَبَّ بِيَمِينِهِ عَلَى شِمَالِهِ، فَغَسَلَ فَرْجَهُ، فَضَرَبَ بِيَدِهِ الأَرْضَ، فَمَسَحَهَا، ثُمَّ غَسَلَهَا، فَمَضْمَضَ وَاسْتَنْشَقَ، وَغَسَلَ وَجْهَهُ وَذِرَاعَيْهِ، ثُمَّ صَبَّ عَلَى رَأْسِهِ وَأَفَاضَ عَلَى جَسَدِهِ، ثُمَّ تَنَحَّى، فَغَسَلَ قَدَمَيْهِ، فَنَاوَلْتُهُ ثَوْبًا فَلَمْ يَأْخُذْهُ، فَانْطَلَقَ وَهُوَ يَنْفُضُ يَدَيْهِ.
Maymuuna oo ah hooyadii Muuminiinta Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaan u dhigay biyo qubays, waxaanan ku asturay maro, biyihii wuxuu ku shubtay gacmihiisa oo dhaqay, hadana biyuu ku qaatay midigtiisa oo bidixdiisa ku dhaqay farjigiisa, ka dibna gacmihiisuu dhulka ku masaxay, wuuna dhaqay, wuuna luq-luqday oo san daarsaday, wajiga iyo gacmuhuu dhaqay, ka dibna biyihiibuu madaxa iskaga shubay ilaa uu jirka oo dhan wada gaarsiiyey, markaasuu in yar ka durkay meeshii uu ku qubaysanayey, luguhuuna dhaqay markaasaan, maro u soo dhiibay igamana qaadan maradii, wuu baxay isagoo gacmihiisa biyaha ka firdhinaaya.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Hooyadii muuminiinta ee maymuuna-Allaha ka raali ahaadee-waxay ka sheegtay qaabkii Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janaabada uga qubaysan jiray, iyadoo Nabiga scw ay u dhigtay biyo si uu ugu qubaysto, waxayna ku asturtay maro, markaas Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee-wuxuu sameeyey sida soo socda: mida 1aad: gacmihiisa ayuu ku shubay biyaha oo dhaqay intaanu weelka galin. mida 2aad: gacantiisa midig ayuu biyo ku shubay oo bidixda ku dhaqay farjigiisa, isagoo iska nadiifinaaya wixii kaga haray qasliga. mida 3aad: dhulkuu gacantiisa ku masaxay, ka dibna wuu dhaqay si uu uga nadiifiyo wixii dhib ah. mida 4aad: wuu luq-luqday, oo inta biyaha afka galiyey oo ku dhaqdhaqaajiyey oo ku wareejiyey ayuu soo tufay, oo san daarsaday, biyaha ayuu neeftiisa sanka ku galiyey ka dibna wuu ka soo saaraay si uu u nadiifiyo. Mida 5aad: wuxuu dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacmood. Mida 6aad: wuxuu ku shubay biyaha madaxiisa. Mida 7aad: biyaha wuxuu ku shubay jirkiisa oo dhan. Mida 8aad: goobtuu ku qubaysanayey ayuu ka durkay lugihiisana wuxuu ku dhaqay meel kale, waayo lugaha horay uma dhaqin. Ka dib waxay u keentay maro si uu iskugu qalajiyo, laakiin kamuusan qaadane gacantiisa ayuu biyaha isaga masaxay oo iska firdhiyey..

Faa’iidooyin
  1. Nabiga scw xaasaskiisu waxay ihtimaam siinayeen inay si xeel dheer oo faahfaahsan u sifeeyaan Nabiga scw noloshiisa si ay ummadda u baraan.
  2. Sifada Qubayskaan waa mid ka mida qaababka ka sugnaaday Nabiga scw ee looga qubaysanaayo qasliga, laakiin sifada qubaysku uga gudaayo waa in jirka oo dhan biyaha la gaarsiiyo iyadoo lagu darayo luqluqasho iyo san daarsi.
  3. In biyaha jirka lagaga qalajiyo maro ama la iskadaayo marka laga qubaysto qasliga ama lawayso qaato way banaan tahay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 63) (276). صحيح مسلم (1/ 254) (317). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص64). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 78).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها قَالَتْ: كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا اغْتَسَلَ مِنَ الجَنَابَةِ، غَسَلَ يَدَيْهِ، وَتَوَضَّأَ وُضُوءَهُ لِلصَّلاَةِ، ثُمَّ اغْتَسَلَ، ثُمَّ يُخَلِّلُ بِيَدِهِ شَعَرَهُ، حَتَّى إِذَا ظَنَّ أَنَّهُ قَدْ أَرْوَى بَشَرَتَهُ، أَفَاضَ عَلَيْهِ المَاءَ ثَلاَثَ مَرَّاتٍ، ثُمَّ غَسَلَ سَائِرَ جَسَدِهِ، وَقَالَتْ: كُنْتُ أَغْتَسِلُ أَنَا وَرَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ إِنَاءٍ وَاحِدٍ، نَغْرِفُ مِنْهُ جَمِيعًا.
Caa'isha, Mu'uminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray, isagoo Faraha dhex galinayaTtimihiisa ilaa uu Jirkiisa Biyaha wada gaarsiiyo, seddex jeer ayuu Biyaha isku shubi jiray, ka dibna jirkiisa kale oo dhan ayuu dhaqi jiray, waxay tiri- Caa'isha-: aniga iyo Rasuulka weel kaliya ayaan ku wada qubaysan jirnay, oo aan labadayadu kawada darsan jirnay Biyaha.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu rabo inuu Janaabo ka qabaysto, wuuu ku bilaabi jiray inuu Gacmaha dhaqo. Ka dibna wuu weyso qaadanayey sida weysada Salaada, ka dibna Biyaha ayuu Jirkiisa gaarsiin jiray, ka dibna Gacmaha ayuuTtimaha Madaxa dhex galin jiray, ilaa uu is dhoho Biyuhu waa gaareen Timaha salkooga, Jirkuna uu ka dhergay Biyaha, seddex jeerbuu Madaxiisa Biyaha ku shubaayey, ka dibna Jirkiisa kale ayuu dhaqi jiray. Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirney, oo Biyaha ka wada darsanaynay.

Faa’iidooyin
  1. Qubaysigu waa labo nuuc: mid uu ku ansaxaya qubaysku iyo mid kaamil ah, kan uu ku ansaxaayo waa in Qofku niyeysto dahaaro ka dibna uu jirkiisa wada gaarsiiyo Biyaha isagoo luqluqanaaya oo san daarsanaya, Qubayska kaamilka ahna waa inuu u qubaysto sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u qubaystay ee ku soo aroortay Xadiiskaan.
  2. Waxaa la dhahaa Janaabo Qof kastoo Biyaha Shahwadu ka yimaadaan, ama galmo sameeya walow yaanu Biyaba ka imaane.
  3. Way banaan tahay inay ninka iyo Xaaskiisu Cawradooda is eegaan, kuna wada qubaystaan weel kaliya.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 63) (272، 273). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 48). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص62). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص33).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii Maalmoodba Maalin, oo dhaqo Madaxiisa iyo Jirkiisoo dhan

عن أبي هريرة قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «حَقٌّ عَلَى كُلِّ مُسْلِمٍ أَنْ يَغْتَسِلَ فِي كُلِّ سَبْعَةِ أَيَّامٍ يَوْمًا، يَغْسِلُ فِيهِ رَأْسَهُ وَجَسَدَهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii Maalmoodba Maalin, oo dhaqo Madaxiisa iyo Jirkiisoo dhan".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay xaq sugan ku tahay Qofkastoo Muslima qaan gaara, caaqila, inuu qubaysto todobada bari ee Usbuuca Maalin, oo uu Maalintaa uu dhaqo Madaxiisa iyo dhamaan Jirkiisa, isagoo ka doonaya nadaafad iyo dahaaro, waxaana maalmahaa ugu haboon maalinta Jumcaha, sida laga fahmayo riwaayadaha qaarkood, qubayska maalinta jumcaha salaada ka hor waa suno aad loo adkeeyey, xataa haduuba qubaystay khamiistii tusaale ahaan, waxaana waajibnimada ka leexiyey, hadalkii Caa'isha-Allaha ka raali ahaadee-: "Waxay ahaayeen dadku kuwo shaqooyinkooda ku jira, markay salaada jumcada tagayaana sidoodaa ayey ku tagayeen, waxaana lagu yiri: hadaad soo qubaysan la haydeen", bukhaari ayaa wariyey, riwaayad kale oo bukhaari leeyahay waxay ahayd: "waxay dadku lahaayeen shiir " waana shiirka dhididka iyo wixii la mida, sidaasoo ay tahay waxaa lagu yiri: " hadaad soo qubaysan lahaydeen", dadka kalena waa kaga sii haboon yihiin.

Faa’iidooyin
  1. Islaamku ahmiyad iyo dhawrid ayuu siiyey nadaafada iyo dahaarada.
  2. Maalinta jumcada in loo qubaysto salaada waa suno la hubo.
  3. Hadii jirka la xuso waxaa soo galaya madaxa hadana si gaara ayaa loo xusay ahmiyadiisa awgeed.
  4. Waxaa waajib ku ah inuu qubaysto qofkastoo leh shiir dadku dhibsanayaan.
  5. Maalinta ugu mudan qubayska waa maalinta Jumcaha wuxuu sii muhiim yahay maalinta jumcaha, fadliga uu leeyahay maalinkaasi darti.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 5) (897)، (2/ 7) (903)، صحيح مسلم (2/ 582) (849)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (6/ 193)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (2/ 169)، التيسير بشرح الجامع الصغير للمناوي (1/951).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com