Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu rabo inuu Janaabo ka qabaysto, wuuu ku bilaabi jiray inuu Gacmaha dhaqo. Ka dibna wuu weyso qaadanayey sida weysada Salaada, ka dibna Biyaha ayuu Jirkiisa gaarsiin jiray, ka dibna Gacmaha ayuuTtimaha Madaxa dhex galin jiray, ilaa uu is dhoho Biyuhu waa gaareen Timaha salkooga, Jirkuna uu ka dhergay Biyaha, seddex jeerbuu Madaxiisa Biyaha ku shubaayey, ka dibna Jirkiisa kale ayuu dhaqi jiray. Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirney, oo Biyaha ka wada darsanaynay.
- Qubaysigu waa labo nuuc: mid uu ku ansaxaya qubaysku iyo mid kaamil ah, kan uu ku ansaxaayo waa in Qofku niyeysto dahaaro ka dibna uu jirkiisa wada gaarsiiyo Biyaha isagoo luqluqanaaya oo san daarsanaya, Qubayska kaamilka ahna waa inuu u qubaysto sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u qubaystay ee ku soo aroortay Xadiiskaan.
- Waxaa la dhahaa Janaabo Qof kastoo Biyaha Shahwadu ka yimaadaan, ama galmo sameeya walow yaanu Biyaba ka imaane.
- Way banaan tahay inay ninka iyo Xaaskiisu Cawradooda is eegaan, kuna wada qubaystaan weel kaliya.
صحيح البخاري (1/ 63) (272، 273). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 48). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص62). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص33).