Hooyadii muuminiinta ee maymuuna-Allaha ka raali ahaadee-waxay ka sheegtay qaabkii Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janaabada uga qubaysan jiray, iyadoo Nabiga scw ay u dhigtay biyo si uu ugu qubaysto, waxayna ku asturtay maro, markaas Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee-wuxuu sameeyey sida soo socda: mida 1aad: gacmihiisa ayuu ku shubay biyaha oo dhaqay intaanu weelka galin. mida 2aad: gacantiisa midig ayuu biyo ku shubay oo bidixda ku dhaqay farjigiisa, isagoo iska nadiifinaaya wixii kaga haray qasliga. mida 3aad: dhulkuu gacantiisa ku masaxay, ka dibna wuu dhaqay si uu uga nadiifiyo wixii dhib ah. mida 4aad: wuu luq-luqday, oo inta biyaha afka galiyey oo ku dhaqdhaqaajiyey oo ku wareejiyey ayuu soo tufay, oo san daarsaday, biyaha ayuu neeftiisa sanka ku galiyey ka dibna wuu ka soo saaraay si uu u nadiifiyo. Mida 5aad: wuxuu dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacmood. Mida 6aad: wuxuu ku shubay biyaha madaxiisa. Mida 7aad: biyaha wuxuu ku shubay jirkiisa oo dhan. Mida 8aad: goobtuu ku qubaysanayey ayuu ka durkay lugihiisana wuxuu ku dhaqay meel kale, waayo lugaha horay uma dhaqin. Ka dib waxay u keentay maro si uu iskugu qalajiyo, laakiin kamuusan qaadane gacantiisa ayuu biyaha isaga masaxay oo iska firdhiyey..
- Nabiga scw xaasaskiisu waxay ihtimaam siinayeen inay si xeel dheer oo faahfaahsan u sifeeyaan Nabiga scw noloshiisa si ay ummadda u baraan.
- Sifada Qubayskaan waa mid ka mida qaababka ka sugnaaday Nabiga scw ee looga qubaysanaayo qasliga, laakiin sifada qubaysku uga gudaayo waa in jirka oo dhan biyaha la gaarsiiyo iyadoo lagu darayo luqluqasho iyo san daarsi.
- In biyaha jirka lagaga qalajiyo maro ama la iskadaayo marka laga qubaysto qasliga ama lawayso qaato way banaan tahay.
صحيح البخاري (1/ 63) (276). صحيح مسلم (1/ 254) (317). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص64). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 78).