U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Wixii Qubays Waajibiya

1 xadiis

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob

عن قيس بن عاصم رضي الله عنه قال: أتيتُ النبيَّ صلى الله عليه وسلم أُريدُ الإسلامَ، فأَمَرَني أن أغتَسِلَ بماءٍ وسِدرٍ.
Qays Binu Caasim -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob.
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.iDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Qays Binu Caasim ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid isagoo inuu islaamo raba, wuxuuna Nabigu scw ku amray inuu ku soo qubaysto biyo iyo geedka gobka, waayo caleenta gobka waxaa loo adeegsadaa nadaafada, waayo udgoon ayuu leeyahay.

Faa’iidooyin
  1. Waa sharci inuu soo qubaysto gaalku markuu Islaamayo.
  2. Diinta Islaamku waa diin sharaf leh oo ahmiyad siisey jirka iyo ruuxdaba.
  3. Biyahu haday ku darsamaan wax yaabaha daahirka ah daahirnimadiisa kama qaadayaan.
  4. Halka gobka waxaa galaya wax yaabaha nadaafada loo isticmaalo ee cusub, sida saabuunta iyo wixii la mida.
Tixraac

سنن أبي داود (1/ 266) (355)، سنن الترمذي (1/ 595) (605)، سنن النسائي (1/ 109) (188)، معالم السنن (1/111)، ذخيرة العقبى (4/131)، شرح سنن أبي داود للعباد (54/ 10).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com