عن قيس بن عاصم رضي الله عنه قال: أتيتُ النبيَّ صلى الله عليه وسلم أُريدُ الإسلامَ، فأَمَرَني أن أغتَسِلَ بماءٍ وسِدرٍ.
Qays Binu Caasim -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob.
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.iDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Qays Binu Caasim ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid isagoo inuu islaamo raba, wuxuuna Nabigu scw ku amray inuu ku soo qubaysto biyo iyo geedka gobka, waayo caleenta gobka waxaa loo adeegsadaa nadaafada, waayo udgoon ayuu leeyahay.
Faa’iidooyin
- Waa sharci inuu soo qubaysto gaalku markuu Islaamayo.
- Diinta Islaamku waa diin sharaf leh oo ahmiyad siisey jirka iyo ruuxdaba.
- Biyahu haday ku darsamaan wax yaabaha daahirka ah daahirnimadiisa kama qaadayaan.
- Halka gobka waxaa galaya wax yaabaha nadaafada loo isticmaalo ee cusub, sida saabuunta iyo wixii la mida.
Tixraac
سنن أبي داود (1/ 266) (355)، سنن الترمذي (1/ 595) (605)، سنن النسائي (1/ 109) (188)، معالم السنن (1/111)، ذخيرة العقبى (4/131)، شرح سنن أبي داود للعباد (54/ 10).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Wixii Qubays WaajibiyaXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com