عن سَعِيدِ بْنِ الْمُسَيَّبِ، عَنْ أَبِيهِ قَالَ: لَمَّا حَضَرَتْ أَبَا طَالِبٍ الْوَفَاةُ، جَاءَهُ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم فَوَجَدَ عِنْدَهُ أَبَا جَهْلٍ وَعَبْدَ اللهِ بْنَ أَبِي أُمَيَّةَ بْنِ الْمُغِيرَةِ، فَقَالَ: «أَيْ عَمِّ، قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، كَلِمَةً أُحَاجُّ لَكَ بِهَا عِنْدَ اللهِ»، فَقَالَ أَبُو جَهْلٍ وَعَبْدُ اللهِ بْنُ أَبِي أُمَيَّةَ: أَتَرْغَبُ عَنْ مِلَّةِ عَبْدِ الْمُطَّلِبِ، فَلَمْ يَزَلْ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم يَعْرِضُهَا عَلَيْهِ، وَيُعِيدَانِهِ بِتِلْكَ الْمَقَالَةِ، حَتَّى قَالَ أَبُو طَالِبٍ آخِرَ مَا كَلَّمَهُمْ: عَلَى مِلَّةِ عَبْدِ الْمُطَّلِبِ، وَأَبَى أَنْ يَقُولَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم: «وَاللهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ مَا لَمْ أُنْهَ عَنْكَ»، فَأَنْزَلَ اللهُ: {مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَالَّذِينَ آمَنُوا أَنْ يَسْتَغْفِرُوا لِلْمُشْرِكِينَ} [التوبة: 113]، وَأَنْزَلَ اللهُ فِي أَبِي طَالِبٍ، فَقَالَ لِرَسُولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم: {إِنَّكَ لا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ} [القصص: 56].
Saciid Binu Musayib wuxuu yiri isagoo Aabihii ka warinaya: Markii Abuu Daalib dhimanayey ayaa Rasuulku scw u yimid wuxuu ugu yimid Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya Binu Almuqiira oo la jooga, wuuxu ku yiri: "adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee ", Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya ayaa yiri: ma diintii Aabahaa Cabdul-muddalib baad nici oo aad ka leexan, Nabigu scw kama daaline wuu ku cel-celiyey, iyaguna tooday ku cel-celineyeen, ilaa uu yiri Abuu Daalib hadalkii ugu dambeeyey oo ahaa: diintii Cabdul-muddalib baan ku adkaystay, wuuna diiday inuu dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay ayaan ku dhaartaye waan kuu dambi dhaaf waydiin hadii aan la ii kaa diidin, Ilaahay baa soo dajiyey: "Nabiga iyo muminiinta maaha inay Gaalada u dambi dhaaf dalbaan)) [ tawbah:113], Ilaahay xaalka Abii Daalib wuxuu ku soo dajiyey, wuxuu ku yiri Rasuulkiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:"Xaqa kuma hanoonin kartid qofkaad jeceshahay , laakiin Ilaahay ayaa ciduu doono xaqa ku hanooniya" [Alqasas: 56].
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay adeerkii Abii Daalib isagoo sakaraadkii ku jira, wuxuuna ku yiri: adeerow, dheh: ..laa Ilaaha Ilaa Allaah.., kalimadaas aan Ilaahay agtiisa kaaga markhaati furee, Abuu Jahal iyo Cabdullaahi Binu Abii Umaya oo la joogay baa yiri: Abuu Daalibow ma diintii Aabahaa Cabdul-mudalib baad ka bixi?! taasoo ahayd sanam la caabudo, kama ay dultagin siday ugu cel-celineyeen ilaa uu yiri hadalkii ugu dambeeyey ee uu kula hadlo iyaga, isagoo yiri: diintii Cabdul-mudalib ayaan haystaa, waa diintii shirkiga iyo sanam caabudka ahayd. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waxaan kuugu ducayn dambi dhaaf hadaanu Rabigay iga diidin arinkaa, waxaa soo dagay hadalkii Ilaahay yiri: "Maaha Nabiga iyo muminiintu inay u dambi dhaaf waydiiyaan mushrikiinta, haba ahaadaan kuwo qaraabo ahee, ka dib markay u cadaatay inay yihiin dad ahlu naar ah} [tawbah:113], Waxaan ku soo dagay Abii Daalib xaalkiisa hadalka Ilaahay yiri: "Nabiyow- adigu xaqa kuma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuunka haya oo hanuunka siiya mid kuu doono, Isagaana og kuwa hanuunsan} [Alqasas: 56], Adigu ma hanuunin kartid qofkaad hanuunka la doonto, waxaase ku saaran gaarsiin, Ilaahay ayaana hanuuniya ciduu doono.
Faa’iidooyin
- Waxaa xaaraan ah in loo dambi dhaaf dalbo gaalada aan tawxiidka ku dhiman, sikasta oo ay u ahaayeen qaraabo ama dad camal fiican qabtay ama kuwo ixsaan badan.
- Aabayawga iyo kuwa magaca leh oo looga daydo baadilka waa ficilka dadka jaahiliga ah.
- Naxariis badnaanta Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo dadaalka uu u galay dadka hanuunintooda.
- Tani waxay radin ku tahay cidii sheegta in Abii Daalib Islaamay.
- Camalka waxaa laga qiimeeyaa khaatumadiisa.
- waa baadil in Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyo qayrkiba in laga rajeeyo inay nafac keenaan ama dhib celiyaan.
- qofka dhaha "laa Ilaaha Ilaa Allaah" isagoo yaqaan oo yaqiinsan oo ictiqaadsan Islaamka ayuu soo galay.
- dhibaatada ay shar wadayaasha iyo saaxiibada xuni ay dadka u leeyihiin waa mid wayn.
- macnaha .. laa ilaaha ilaa Allaah..: waa ka tagida cibaadada Asnaamta, Awliyada, Saalixiinta, iyo in Ilaahay kaligii loo gaar yeelo cibaadada, gaaladuna wayba garanayaan macnaheeda.
- Waa la booqan karaa Gaalka jiran hadii rajo laga qabo inuu soo Islaamo.
- Hidaayada waafajinta gacanta Ilaahay oo kaliya oo aan lala wadaagin ayey ku jirtaa, Rasuulkana waxaa saaran Hidaayada tusinta, waanada iyo gaarsiinta.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 112) (4772).
صحيح مسلم (1/ 54) (24).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص155).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص169).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أَنَسَ بْنَ مَالِكٍ رضي الله عنه قال: بينما نحن جلوس مع النبي صلى الله عليه وسلم في المسجد دخل رجل على جمل، فأناخه في المسجد ثم عقله، ثم قال لهم: أيكم محمد؟ والنبي صلى الله عليه وسلم متكئ بين ظهرانيهم، فقلنا: هذا الرجل الأبيض المتكئ. فقال له الرجل: يا ابن عبد المطلب فقال له النبي صلى الله عليه وسلم: «قد أجبتك». فقال الرجل للنبي صلى الله عليه وسلم: إني سائلك فمشدد عليك في المسألة، فلا تجد علي في نفسك؟ فقال: «سل عما بدا لك» فقال: أسألك بربك ورب من قبلك، آلله أرسلك إلى الناس كلهم؟ فقال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصلي الصلوات الخمس في اليوم والليلة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصوم هذا الشهر من السنة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن تأخذ هذه الصدقة من أغنيائنا فتقسمها على فقرائنا؟ فقال النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهم نعم». فقال الرجل: آمنت بما جئت به، وأنا رسول من ورائي من قومي، وأنا ضمام بن ثعلبة أخو بني سعد بن بكر.
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Anas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado Asxaabtu la fadhiyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey Asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , waxaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ku waydiin waana kugu adkayne ha igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ha i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.
Faa’iidooyin
- Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa, waayo ninku wuxuu kala garan waayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo asxaabta.
- Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sida naxariista leh ee uu ugu jawaabay ninka wax waydiinayey, in si fiican loo jawaabona waxay sabab u noqonaysaa in la aqbalo dacwada.
- Way banaan tahay in ninka lagu sheego sifooyin sida cadaanka, casaanka, dheerida, gaabnida, iyo wixii la mida ee aan looga jeedin ceeb, haduuna dhibsanayn.
- way banaan tahay in Gaalku Masaajidka dan u soo galo.
- Xadiiska laguma sheegin Xajka waxaana laga yaabaa inaan la waajibin waqtiguu imaanayey.
- Asxaabtu way ku dadaaleen inay dadka ugu yeeran dacwada, isla markuu islaamayba wuxuu ku dadaalay inuu tolki ugu yeero diinta.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 23) (63)، صحيح مسلم (1/ 41) (12)، شرح ابن بطال (1/145)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (2/ 22).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com