Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu amrayaa in cilmiga Kitaabka iyo Sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida Aayad Quraana ama hal Xadiis, waxaana shardi ah inuu yaqaan wuxuu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan Diinteena ka hor imaaneyn. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee ka dib wuxuu ka digay Qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu Naarta ka diyaarsado Guri.
- Waxaa la is jeclaysiinayaa gudbinta Shareecada Ilaahay, Qofkana waxaa laga rabaa inuu guto wuxuu xafiday ee uu fahmay haba yaraatee.
- Waa waajib in Cilmiga Sharciga ah la raadiyo oo la barto, si Qofka ay ugu suuro gasho inuu Ilaahay uu caabudo oo Diinta Ilaahay si saxa u gaarsiiyo.
- Waxaa waajib ah in la hubiyo sugnaanta Xadiis kasta intaan la faafin ama dadka la gaarsiin, taasoo ah digtooni laga qabo inaan la soo galin goodigaas adag.
- Waxaa la isku boorinayaa in hadalka run laga sheego lagana foojignaado tabinta warka, si aan loogu dhicin beenta, gaar ahaana markay tahay xaga Diinta Ilaahay casa wajala.
صحيح البخاري (4/ 170) (3461). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 464). نزهة المتقين، لمصطفى الخن وغيره (2/ 951). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 429).