U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Islaamka iyo wanaagiisa

3 xadiis

Hadii Adoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay

عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِذَا مَرِضَ الْعَبْدُ أَوْ سَافَرَ كُتِبَ لَهُ مِثْلُ مَا كَانَ يَعْمَلُ مُقِيمًا صَحِيحًا».
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Adoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmadiisa, hadii Qofka Muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee Gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida Jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu Gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Ilaahay fadligiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa.
  2. Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 57) (2996). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 36). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 211). بهجة قلوب الأبرار وقرة عيون الأخيار في شرح جوامع الأخبار، لعبد الرحمن السعدي (ص83).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «كُلُّ سُلاَمَى مِنَ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ يَعْدِلُ بَيْنَ الِاثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَيُعِينُ الرَّجُلَ عَلَى دَابَّتِهِ فَيَحْمِلُ عَلَيْهَا أَوْ يَرْفَعُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَكُلُّ خُطْوَةٍ يَخْطُوهَا إِلَى الصَّلاَةِ صَدَقَةٌ، وَيُمِيطُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo, Maalin kasta oo Qoraxdu soo baxdo, labo Qof oo uu dhex-dhexaadiyo waa u Sadaqo, haduu ka caawiyo nin Gaadiidkiisa isagoo Gacan ku siinaya inuu fuulo ama Alaabtiisa u soo dhiiba waa u Sadaqo, hadalka fiicana waa u Sadaqo, talaabo walba oo uu Masaajidka u qaadaana waa u Sadaqo, dariiqa oo dhibka uu ka fogeeyana waa u Sadaqo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo Maalin kasta Xubin walba oo Xubnaha Jirkiisa ka mida Sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafahiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in Xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa Sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro Gaadiidkiisa oo aad caawisana waa Sadaqo, Hadalka wanaagsan sida: Dikriga, Ducada, Salaanta, iyo qayrkeed waa Sadaqo. Talaabo kasta oo aad u qaado Salaada waa Sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa Sadaqo.

Faa’iidooyin
  1. Qaabka ay iskugu rakiban yihiin Lafaha iyo xubnaha Aadanuhu waa nicmooyinka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaana loo baahan yahay in xubin walba sigaar ah looga Sadaqo bixiyo, si ay u noqoto mahadnaqa nicmadaas.
  2. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la cusboonaysiiyo mahadnaqa Maalin kasta, si ay nicmadaasi joogto u noqoto
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la joogteeyo Sunaha iyo Sadaqada Maalin kasta.
  4. Fadli wayn ayaa ku jira in dadka la heshiisiiyo .
  5. Waxaa la isku boorinayaa in ninku Walaalkiis caawiyo, waayo caawintiisu waa Sadaqo.
  6. Waxaa la isku boorinayaa in la tago Jamaacaadka oo loo socdo Salaada, oo Masaajida lagu camiro arinkaas.
  7. Waa waajib in la ixtiraamo dariiqa Muslimiintu marayaan lagana fogeeyo wixii Muslimiimta dhibayaa.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 56) (2989). صحيح مسلم (1/ 498) (720). -التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية، مطبعة دار نشر الثقافة، الإسكندرية، الطبعة: الأولى، 1380 هـ. -شرح الأربعين النووية، للشيخ ابن عثيمين، دار الثريا للنشر. -فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، دار ابن القيم، الدمام المملكة العربية السعودية، الطبعة: الأولى، 1424هـ/2003م. -الفوائد المستنبطة من الأربعين النووية، للشيخ عبد الرحمن البراك، دار التوحيد للنشر، الرياض.

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood

عَنِ ‌ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَ النَّاسَ يَوْمَ فَتْحِ مَكَّةَ، فَقَالَ: «يَا أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّ اللهَ قَدْ أَذْهَبَ عَنْكُمْ عُبِّيَّةَ الْجَاهِلِيَّةِ وَتَعَاظُمَهَا بِآبَائِهَا، فَالنَّاسُ رَجُلَانِ: بَرٌّ تَقِيٌّ كَرِيمٌ عَلَى اللهِ، وَفَاجِرٌ شَقِيٌّ هَيِّنٌ عَلَى اللهِ، وَالنَّاسُ بَنُو آدَمَ، وَخَلَقَ اللهُ آدَمَ مِنْ تُرَابٍ، قَالَ اللهُ: {يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} [الحجرات: 13]».
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka ayuu u khudbeeyey Maalintii Makah la furay, wuxuuna yiri: "dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood, dadku waa laba qof uun: mid baari ah oo taqi ah, Ilaahayna kariim ku ah, iyo mid faajir ah oo hooge ah, oo aan Ilaahay qiimo la lahayn, dadku waa ilma Nabi Aadam, Aadamna ciidaa Ilaahay ka abuuray, Ilaahay wuxuu yiri:{ dadoow, waxaan idinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idinka yeelay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku aqoonsataan, Ilaahay xagiisana waxaa ugu qiimo badan kan idiinku taqwada badan, Ilaahay waa kii cilmi badan oo khibrad badan} [Al xujuraat:13]).
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn xibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u khudbeeyey dadka Maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii Aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun: Waa mid Muumin Baari ah Taqina ah oo Ilaahay casa wajala adeecay caabudayna, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe. iyo mid Gaal Faajir ah oo Hooge ah, kaasina Ilaahay xagiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haado mid nasab ama waji iyo Saldano lehe. Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid yahay inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].

Faa’iidooyin
  1. Waa la reebay in la isugu faano Nasabka iyo Qabiilka.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 309) (3270)، صحيح ابن حبان (9/ 137) (3828)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (14/ 16)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص587).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com