U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «كُلُّ سُلاَمَى مِنَ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ يَعْدِلُ بَيْنَ الِاثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَيُعِينُ الرَّجُلَ عَلَى دَابَّتِهِ فَيَحْمِلُ عَلَيْهَا أَوْ يَرْفَعُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَكُلُّ خُطْوَةٍ يَخْطُوهَا إِلَى الصَّلاَةِ صَدَقَةٌ، وَيُمِيطُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo, Maalin kasta oo Qoraxdu soo baxdo, labo Qof oo uu dhex-dhexaadiyo waa u Sadaqo, haduu ka caawiyo nin Gaadiidkiisa isagoo Gacan ku siinaya inuu fuulo ama Alaabtiisa u soo dhiiba waa u Sadaqo, hadalka fiicana waa u Sadaqo, talaabo walba oo uu Masaajidka u qaadaana waa u Sadaqo, dariiqa oo dhibka uu ka fogeeyana waa u Sadaqo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo Maalin kasta Xubin walba oo Xubnaha Jirkiisa ka mida Sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafahiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in Xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa Sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro Gaadiidkiisa oo aad caawisana waa Sadaqo, Hadalka wanaagsan sida: Dikriga, Ducada, Salaanta, iyo qayrkeed waa Sadaqo. Talaabo kasta oo aad u qaado Salaada waa Sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa Sadaqo.

Faa’iidooyin
  1. Qaabka ay iskugu rakiban yihiin Lafaha iyo xubnaha Aadanuhu waa nicmooyinka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaana loo baahan yahay in xubin walba sigaar ah looga Sadaqo bixiyo, si ay u noqoto mahadnaqa nicmadaas.
  2. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la cusboonaysiiyo mahadnaqa Maalin kasta, si ay nicmadaasi joogto u noqoto
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la joogteeyo Sunaha iyo Sadaqada Maalin kasta.
  4. Fadli wayn ayaa ku jira in dadka la heshiisiiyo .
  5. Waxaa la isku boorinayaa in ninku Walaalkiis caawiyo, waayo caawintiisu waa Sadaqo.
  6. Waxaa la isku boorinayaa in la tago Jamaacaadka oo loo socdo Salaada, oo Masaajida lagu camiro arinkaas.
  7. Waa waajib in la ixtiraamo dariiqa Muslimiintu marayaan lagana fogeeyo wixii Muslimiimta dhibayaa.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 56) (2989). صحيح مسلم (1/ 498) (720). -التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية، مطبعة دار نشر الثقافة، الإسكندرية، الطبعة: الأولى، 1380 هـ. -شرح الأربعين النووية، للشيخ ابن عثيمين، دار الثريا للنشر. -فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، دار ابن القيم، الدمام المملكة العربية السعودية، الطبعة: الأولى، 1424هـ/2003م. -الفوائد المستنبطة من الأربعين النووية، للشيخ عبد الرحمن البراك، دار التوحيد للنشر، الرياض.

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Islaamka iyo wanaagiisa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com