U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Diinta Islaamka Guud ahaan

2 xadiis

Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَيُوشِكَنَّ أَنْ يَنْزِلَ فِيكُمْ ابْنُ مَرْيَمَ حَكَمًا مُقْسِطًا، فَيَكْسِرَ الصَّلِيبَ، وَيَقْتُلَ الخِنْزِيرَ، وَيَضَعَ الجِزْيَةَ، وَيَفِيضَ المَالُ حَتَّى لاَ يَقْبَلَهُ أَحَدٌ».
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabi Ciise-Calayhi Salaam- uu Aakhiru Samaanka soo degidoono, taasina ay tahay mid ka mida calaamadaha saacada Qiyaamaha.
  2. Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Shareecadiisa wax nasakhaaya ma jiraan.
  3. Maalka ayaa barakoobaya Aakhiru Samaanka, dadkuna way nicidoonaan.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan bishaaro in Diinta Islaamku baaqi ahaanayso, iyadoo Nabi Ciise ku xukumi doonaa dhulka Aakhiru Samaanka.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 82) (2222)، صحيح مسلم (1/ 135) (155)، شرح النووي على مسلم (1/471)، التوضيح (14/555)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (12/ 35).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood

عَنِ ‌ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَ النَّاسَ يَوْمَ فَتْحِ مَكَّةَ، فَقَالَ: «يَا أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّ اللهَ قَدْ أَذْهَبَ عَنْكُمْ عُبِّيَّةَ الْجَاهِلِيَّةِ وَتَعَاظُمَهَا بِآبَائِهَا، فَالنَّاسُ رَجُلَانِ: بَرٌّ تَقِيٌّ كَرِيمٌ عَلَى اللهِ، وَفَاجِرٌ شَقِيٌّ هَيِّنٌ عَلَى اللهِ، وَالنَّاسُ بَنُو آدَمَ، وَخَلَقَ اللهُ آدَمَ مِنْ تُرَابٍ، قَالَ اللهُ: {يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} [الحجرات: 13]».
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka ayuu u khudbeeyey Maalintii Makah la furay, wuxuuna yiri: "dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood, dadku waa laba qof uun: mid baari ah oo taqi ah, Ilaahayna kariim ku ah, iyo mid faajir ah oo hooge ah, oo aan Ilaahay qiimo la lahayn, dadku waa ilma Nabi Aadam, Aadamna ciidaa Ilaahay ka abuuray, Ilaahay wuxuu yiri:{ dadoow, waxaan idinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idinka yeelay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku aqoonsataan, Ilaahay xagiisana waxaa ugu qiimo badan kan idiinku taqwada badan, Ilaahay waa kii cilmi badan oo khibrad badan} [Al xujuraat:13]).
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn xibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u khudbeeyey dadka Maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii Aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun: Waa mid Muumin Baari ah Taqina ah oo Ilaahay casa wajala adeecay caabudayna, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe. iyo mid Gaal Faajir ah oo Hooge ah, kaasina Ilaahay xagiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haado mid nasab ama waji iyo Saldano lehe. Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid yahay inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].

Faa’iidooyin
  1. Waa la reebay in la isugu faano Nasabka iyo Qabiilka.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 309) (3270)، صحيح ابن حبان (9/ 137) (3828)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (14/ 16)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص587).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com