U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Adkaarta guud ahaaneed

4 xadiis

Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah

عن جابر رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «أَفْضَلُ الذِّكْرِ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَفْضَلُ الدُّعَاءِ: الْحَمْدُ لِلهِ».
Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah".
Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu MaajahDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa Ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku boorinayaa in lagu badiyo dikriga Ilaahay erayga towxiidka, ducadana erayga Alxamdu lillaah.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 393) (3383). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 984). زاد المعاد في هدي خير العباد، ابن قيم الجوزية (1/ 36).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa

عن سَمُرَة بن جندبٍ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَحَبُّ الْكَلَامِ إِلَى اللهِ أَرْبَعٌ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، لَا يَضُرُّكَ بِأَيِّهِنَّ بَدَأْتَ».
Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay: Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo nusqaan ah. Alxamdu lillaahi: Ilaahay wuxuu ku sifoobay kaamilnimo taam ah oo ay la socoto waynayntiisa iyo jeclaantiisa. Laa ilaaha ilaa Allaah: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allah. Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka weyn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta. Fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.

Faa’iidooyin
  1. Shareecada Islaamku way fududahay dhibna kuma jiro ereyadaan kii aad ka bilowdo.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1685) (2137)، (4/ 2093) (2731)، (4/ 2072) (2695). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 540). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 411). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 477). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 706).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Labo eray oo ku fudud Carabka, kuna culus Miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «كَلِمَتَانِ خَفِيفَتَانِ عَلَى اللِّسَانِ، ثَقِيلَتَانِ فِي الْمِيزَانِ، حَبِيبَتَانِ إِلَى الرَّحْمَنِ: سُبْحَانَ اللهِ الْعَظِيمِ، سُبْحَانَ اللهِ وَبِحَمْدِهِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Labo eray oo ku fudud Carabka, kuna culus Miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay: waa: Subxaana Allahi Alcadiim, Subxaana Allahi wa Bixamdihi."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay laba eray oo dadku u oran karaan si fudud iyo xaalad kasta oo ay joogaan, oo ajarkoodu ku wayn yahay miisaanka, Rabigeena Raxmaankuna jecel yahay. Subxaana Allaahi Alcadiim, Subxaan Allaahi wa Bixamdihi, ereyadaani Ilaahay waxay ku sifaynayaan waynaan iyo kaamilnimo, iyo in Ilaahay laga nasaho nuqsaanta isagaa sareeyee.

Faa’iidooyin
  1. Dikriga ugu wayn waa in lagu kulmiyo Ilaahay nasahnaantiisa iyo amaantiisa.
  2. Waxaa cad Ilahay Raxmadiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa, camal yar ayuu ku abaal marinayaa ajar weyn.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 86) (6406). صحيح مسلم (4/ 2072) (2694). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 480). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 519).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لَأَنْ أَقُولَ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin Aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah: "Subxaana Allaah" Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan. "Alxamdu lillaahi" Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto. "Laa ilaaha Ilaa Allaah" ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. "Allaahu akbar" Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laysku boorinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay Qoraxdu u soo baxdo.
  2. Waxaa laysku boorinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira awgeed.
  3. Raaxada Aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2072) (2695). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 496). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 485). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 970). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل المبارك (ص772).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com