U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa

عن سَمُرَة بن جندبٍ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَحَبُّ الْكَلَامِ إِلَى اللهِ أَرْبَعٌ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، لَا يَضُرُّكَ بِأَيِّهِنَّ بَدَأْتَ».
Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay: Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo nusqaan ah. Alxamdu lillaahi: Ilaahay wuxuu ku sifoobay kaamilnimo taam ah oo ay la socoto waynayntiisa iyo jeclaantiisa. Laa ilaaha ilaa Allaah: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allah. Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka weyn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta. Fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.

Faa’iidooyin
  1. Shareecada Islaamku way fududahay dhibna kuma jiro ereyadaan kii aad ka bilowdo.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1685) (2137)، (4/ 2093) (2731)، (4/ 2072) (2695). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 540). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 411). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 477). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 706).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta guud ahaaneed

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com