U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لَأَنْ أَقُولَ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin Aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah: "Subxaana Allaah" Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan. "Alxamdu lillaahi" Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto. "Laa ilaaha Ilaa Allaah" ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. "Allaahu akbar" Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laysku boorinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay Qoraxdu u soo baxdo.
  2. Waxaa laysku boorinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira awgeed.
  3. Raaxada Aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2072) (2695). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 496). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 485). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 970). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل المبارك (ص772).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta guud ahaaneed

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com