عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ: رَدُّ السَّلَامِ، وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ، وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ، وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ، وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta.
Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa.
Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso.
Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba.
Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan weynida Islaamku inay ka muuqato siduu u adkeeyey xuquuqda u dhaxaysa Muslimiinta iyo xoojinta Walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 71) (1240).
صحيح مسلم (4/ 1704) (2162).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (4/ 512).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 327).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 253).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 591).
بهجة قلوب الأبرار، لابن سعدي (ص81).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَن أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يُسَلِّمُ الرَّاكِبُ عَلَى المَاشِي، وَالمَاشِي عَلَى القَاعِدِ، وَالقَلِيلُ عَلَى الكَثِيرِ».
وَلِلبُخَارِي: «يُسَلِّمُ الصَّغِيرُ عَلَى الكَبِيرِ، وَالمَارُّ عَلَى القَاعِدِ، وَالقَلِيلُ عَلَى الكَثِيرِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan." Bukhaari wuxuu leeyahay ruwaad kale: "kan yari kan wayn buu salaamayaa, kan socdaana kan fadhiya ayuu salaamayaa, dadka yarina kuwa badan bay salaamayaan"
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-dadka wuxuu baray aadaabta dadku isu salaamaan, taasoo ah "Asalaamu calaykum wa raxmatu Alaah wa barakaatuh", Qofka yari wuxuu salaamayaa kan wayn, kan wax fuushana kan lugaynayana, kan lugaynayana kan fadhiya, kuwa tirada yarna kuwa tirada badan.
Faa’iidooyin
- Waxaa suno ah in la isku salaamo qaabka xadiisku sheegay, haduuse kan socdaa salaamo kan wax fuushan iyo intii xaga hore lagu sheegayba, way banaan tahay laakiin way khilaafsan tahay sida saxda ah ee fadliga badan.
- Salaanta oo loo faafiyo sida xadiiska ku sugan waa sababta keenta is jacaylka iyo isku duubnida.
- Haday isu dhigmaan oo siman yihiin, sida la soo dheegay, waxaa khayr badan hadba kii bilaaba salaanta.
- shareecada Islaamku waa mid kaamil ah oo cadaynaysa wax walba oo dadku u baahan yahay.
- Waa in dadka la baro aadabta salaanta oo qof walba oo xaq lehna xaqiisa la siiyo.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 52) (6232).
صحيح مسلم (4/ 1703) (2160).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (11/ 280).
بهجة الناظرين، تأليف: سليم الهلالي (2/ 137).
نزهة المتقين، مجموعة من الباحثين (1/ 666).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 407).
منار القاري، لحمزة قاسم (5/ 257).
الأدب النبوي (ص159).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أبي أيوب الأنصاري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَا يَحِلُّ لِرَجُلٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلَاثِ لَيَالٍ، يَلْتَقِيَانِ، فَيُعْرِضُ هَذَا وَيُعْرِضُ هَذَا، وَخَيْرُهُمَا الَّذِي يَبْدَأُ بِالسَّلَامِ».
Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn.
Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.
Faa’iidooyin
- Waxa loo baneeyey seddex Maalmood iyo wixii ka yar, iyado la tix galinayo dabeecadaha dadka, waxaana laga cafiyey gooynta seddex Beri ah si uu u dhamaado khilaafku.
- Fadliga salaantu leedahay, iyo inay tirtirayso wixii nafta ku jira, waxayna astaan u tahay is jeclaanta.
- Islaamku wuxuu ku dadaalay walaaltinimada iyo isku duubnaanta Muslimiinta u dhaxaysa.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 21) (6077).
صحيح مسلم (4/ 1984) (2560).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 111).
فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 293).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 339).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا: أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الإِسْلاَمِ خَيْرٌ؟ قَالَ: «تُطْعِمُ الطَّعَامَ، وَتَقْرَأُ السَّلاَمَ عَلَى مَنْ عَرَفْتَ وَمَنْ لَمْ تَعْرِفْ».
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey: Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la weydiiyey, Sifooyinka Islaamka kuwee ugu fadli badan? wuxuu sheegay labo sifo:
Mida 1aad: in la badiyo quudinta Fuqarada, waxaana soo galaya Sadaqa, Hadiyada, Soorida, Casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan Abaaraha iyo sicir bararku.
mida 2aad: waa inaad Salaanto Qof walba oo Muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.
Faa’iidooyin
- Asaxaabu waxay aad ugu dadaalayeen barashada dhaqanka wanaagsan ee anfacaya Aduun iyo Aakhiraba.
- Salaanta iyo Cunto siintu waa acmaasha ugu fadliga badan Islaamka, waana fadli badnaanteeda iyo baahida dadku ay u qabaan waqti walaba.
- Labadaa Sifo waxaa ku kulmay ixsaankii oo hadal iyo ficilba ah, waana ixsaanka ugu kaamilsan.
- Sifooyinkaani waxay ku saabsan yihiin tacaamulka Muslimiinta dhexdooda, waxaase jira Sifooyin kale oo ku saabsan Adoonka oo la tacaamulaya Rabigi.
- Salaanta oo aad Qofka ku bilawdo waxay gaar u tahay Muslimiinta dhexdooda, gaalse salaan laguma bilaabo.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 12) (12).
صحيح مسلم (1/ 65) (39).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 604).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (7/ 2936).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com