Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ: رَدُّ السَّلَامِ، وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ، وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ، وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ، وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta.
Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa.
Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso.
Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba.
Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan weynida Islaamku inay ka muuqato siduu u adkeeyey xuquuqda u dhaxaysa Muslimiinta iyo xoojinta Walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 71) (1240).
صحيح مسلم (4/ 1704) (2162).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (4/ 512).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 327).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 253).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 591).
بهجة قلوب الأبرار، لابن سعدي (ص81).