U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Camalka Xubnaha

3 xadiis

Qofka u adeega Garoobka iyo Miskiinka, wuxuu la mid yahay Mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaa, ama Qof Habeenkiina cibaado u taagan Maalintiina Sooman

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «السَّاعِي عَلَى الأَرْمَلَةِ وَالمِسْكِينِ، كَالْمُجَاهِدِ فِي سَبِيلِ اللَّهِ، أَوِ القَائِمِ اللَّيْلَ الصَّائِمِ النَّهَارَ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka u adeega Garoobka iyo Miskiinka, wuxuu la mid yahay Mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaa, ama Qof Habeenkiina cibaado u taagan Maalintiina Sooman".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka ka shaqeeya danaha Dumarka Ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo Miskiinka baahidu hayso, wax siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, Qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay Mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama Qofka Salaad Tahajudka u taagan ee aan daalayn, oo Sooman oo aan afurayn

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku boorinayaa, iskaashi iyo in la is kafaalo qaado iyo in la caawiyo dadka baahan ee Daciifka ah.
  2. Cibaadada waxaa soo galaya camal kastoo wanaagsan, waxaana ka mida cibaadada in loo adeego Garoobka iyo Miskiinka.
  3. Ibn Hubayra: wuxuu yiri: waxaa loo jeedaa Ilaahay kor ahaaye qofkaas wuxuu isugu darayaa ajarka qofka sooman iyo kan cibaadada u taagan iyo Mujaahidka hal mar ayuu wada siin, waayo Garoobka ayuu u Gacan qabtay sida ninkeedii ...., sidaas oo kale wuxuu u garab istaagay Miskiinka waxba qabsan kari waayey, wuxuu heli karay iyo Xoogiisiiba wuu Sadaqaystay wax tarkiisu wuxuu u dhigmaa Soomka, qiyaamka iyo Jihaadka.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 62) (5353). صحيح مسلم (4/ 2286) (2982). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم بن عيد الهلالي (1/ 351). تطريز رياض الصالحين، لفيصل بن عبد العزيز المبارك (ص198). رياض الصالحين (ص107) (265). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 99). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (275).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan

عَنْ ثَوْبَانَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَفْضَلُ دِينَارٍ يُنْفِقُهُ الرَّجُلُ، دِينَارٌ يُنْفِقُهُ عَلَى عِيَالِهِ، وَدِينَارٌ يُنْفِقُهُ الرَّجُلُ عَلَى دَابَّتِهِ فِي سَبِيلِ اللهِ، وَدِينَارٌ يُنْفِقُهُ عَلَى أَصْحَابِهِ فِي سَبِيلِ اللهِ» قَالَ أَبُو قِلَابَةَ: وَبَدَأَ بِالْعِيَالِ، ثُمَّ قَالَ أَبُو قِلَابَةَ: وَأَيُّ رَجُلٍ أَعْظَمُ أَجْرًا مِنْ رَجُلٍ يُنْفِقُ عَلَى عِيَالٍ صِغَارٍ، يُعِفُّهُمْ أَوْ يَنْفَعُهُمُ اللهُ بِهِ وَيُغْنِيهِمْ.
Thowbaan -Allaha ka raali ahaadee - waxaa laga wariyey, inuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan" Abuu Qilaaba ayaa yiri: wuxuu ku bilaabay caruurta, hadana wuxuu yiri abuu Qilaaba: ninkeeba ka fadli badan nin masruufay caruur yar-yar, way ku deeqtoomayaan, ama Ilaahay baa ku anfacaya lacagtaas wayna ku kaaftoomayaan.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaabab ka mid ah wax bixinta, wuxuuna u kala ratibay hadii ay wada kulmaan qaababka wax bixintu u kala waajibsan tahay, wuxuuna ka bilaabay siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu sheegay lacagta ugu ajarka badan inay tahay tan uu ku masruufo muslimku dadka ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa. Ka dibna waxaa ku xiga kharashka lagu bixiyo gaadiidka loo diyaariyey jihaadka Ilaahay. Ka dibna waxaa ku xiga wuxuu ku nafaqeeyo saaxiibadiisa jihaadka Ilaahay kula jira.

Faa’iidooyin
  1. Tartiibinta nafaqadu siday u kala ajar badan tahay waa sida loo sheegay, waa in sidaa loo ilaaliyo markay isu yimaadaan qaababka nafaqadu.
  2. Waxaa xadiiska ku cad mudnaanta iyo fadliga dheeraadka ah ee masruufka caruurtu uu dheer yahay wax bixinta kale.
  3. Xoolaha lagu bixiyo jihaadka Ilaahay waxay ka mid yihiin wax bixinta ugu wayn, sida in loo diyaariyo Jihaadka qalab iyo rag.
  4. Waxaa la yiri: Jidka Ilaahay waxaa laga wadaa cibaado walba sida Xajka matalan.
Tixraac

صحيح مسلم (2/ 691) (994). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 315). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 156). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 291). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 374).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا تَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّى تُؤْمِنُوا، وَلَا تُؤْمِنُوا حَتَّى تَحَابُّوا، أَوَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى شَيْءٍ إِذَا فَعَلْتُمُوهُ تَحَابَبْتُمْ؟ أَفْشُوا السَّلَامَ بَيْنَكُمْ».
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.

Faa’iidooyin
  1. Janada laguma galo wax aan Iimaan ahayn.
  2. Iimaanka kaamilnimadiisa waxaa ka mida in Qofka Muslimkaahi la jeclaado Walaalki waxa uu Naftiisa la jecel yahay.
  3. Waa Suno in salaanta la faafiyo oo Muslimiinta la salaamo, waayo faafinta salaanta dadka waxay u keenaysaa is jacayl iyo amaan.
  4. Salaanta laguma salaami karo Qof aan Muslim ahayn, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " dhexdiina".
  5. Salaanta in lagu dadaalo waxay meesha ka saartaa is naca dadka, kalatega, iyo calool xumada dadka dhexdiisa taala.
  6. Ahmiyad ayey leedahay is jeclaanta Muslimiintu waxayna ka mid tahay iimaanka kaamilnimadiisa.
  7. Xaddiis kale waxaa ku soo arooray, qaabka salaanta buuxda: "Asalaamu calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh", waxaana ku filan: ''Asalaamu calaykum''.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 74) (54). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 129). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص515). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 394). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 661).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com