U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا تَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّى تُؤْمِنُوا، وَلَا تُؤْمِنُوا حَتَّى تَحَابُّوا، أَوَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى شَيْءٍ إِذَا فَعَلْتُمُوهُ تَحَابَبْتُمْ؟ أَفْشُوا السَّلَامَ بَيْنَكُمْ».
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.

Faa’iidooyin
  1. Janada laguma galo wax aan Iimaan ahayn.
  2. Iimaanka kaamilnimadiisa waxaa ka mida in Qofka Muslimkaahi la jeclaado Walaalki waxa uu Naftiisa la jecel yahay.
  3. Waa Suno in salaanta la faafiyo oo Muslimiinta la salaamo, waayo faafinta salaanta dadka waxay u keenaysaa is jacayl iyo amaan.
  4. Salaanta laguma salaami karo Qof aan Muslim ahayn, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " dhexdiina".
  5. Salaanta in lagu dadaalo waxay meesha ka saartaa is naca dadka, kalatega, iyo calool xumada dadka dhexdiisa taala.
  6. Ahmiyad ayey leedahay is jeclaanta Muslimiintu waxayna ka mid tahay iimaanka kaamilnimadiisa.
  7. Xaddiis kale waxaa ku soo arooray, qaabka salaanta buuxda: "Asalaamu calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh", waxaana ku filan: ''Asalaamu calaykum''.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 74) (54). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 129). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص515). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 394). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 661).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Camalka Xubnaha

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com