U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Dikriga

9 xadiis

idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ: خَرَجَ مُعَاوِيَةُ عَلَى حَلْقَةٍ فِي الْمَسْجِدِ، فَقَالَ: مَا أَجْلَسَكُمْ؟ قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ، قَالَ آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟ قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَمَا كَانَ أَحَدٌ بِمَنْزِلَتِي مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَقَلَّ عَنْهُ حَدِيثًا مِنِّي: وَإِنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَرَجَ عَلَى حَلْقَةٍ مِنْ أَصْحَابِهِ، فَقَالَ: «مَا أَجْلَسَكُمْ؟» قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ وَنَحْمَدُهُ عَلَى مَا هَدَانَا لِلْإِسْلَامِ، وَمَنَّ بِهِ عَلَيْنَا، قَالَ: «آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟» قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: «أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَلَكِنَّهُ أَتَانِي جِبْرِيلُ فَأَخْبَرَنِي أَنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يُبَاهِي بِكُمُ الْمَلَائِكَةَ».
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Mucaawiye Binu Abii Sufyaan -Allaha ka raali ahaadee- ayaa kusoo baxay xalaqo masaajidka dad u fadhiyey, wuxuuna weydiiyey sababta ay isugu yimaadeen, waxay ku dheheen: Ilaahay baan xusaynaa, markaasuu dhaariyey inaysan wax kale u fadhin oo u kulmin xuska Ilaahay maahee, wayna u dhaarteen, Hadana wuxuu ku yiri: anigu idiin maan dhaarin shaki aan idinka qabo adinka iyo run sheegiina, wuxuuna u sheegay darajada uu ka joogo Nabiga scw, iyo inuusan jirin qof nabiga scw uga dhawaa , waayo umu xabiiba oo walaashi ah ayaa xaaskii Nabiga scw ahayd, isaguna wuxuu ka mid ahaa kuwa qora waxyiga, sidaas oo ay tahay hadana way yar tahay axaaddiista uu wariyey, Wuxuu u sheegay iyaga in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu maalin ka soo baxay gurigiisa, wuxuu arkay asaxaabta oo masjidka fadhiya oo Ilaahay xusaya kuna mahadinaya inuu ku hanuuniyey Islaamka, kuna galadaystay Islaamka, Nabigu scw wuu waydiiyey waana dhaariyey, sida uu ku sameeyey Mucaawiye Allaha ka raali noqdee asxaabta oo kale. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku yiri isagoo u sheegaya sababta uu u waydiiyey su'aasha oo uu u dhaariyey: inay ahayd inuu malakul Jibriil u yimid, oo uu u sheegay inuu Ilaahay casa wajala Malaa`igta ugu faanayo adinka, oo uu u muujinaayo fadligiina aad dheertihiin malaa`igta oo uu tusinaayo camalkiina wanaagsan, oo uu idinku amaano malaa`igta horteeda.

Faa’iidooyin
  1. Xaddiiska waxaa ku jira fadliga saxaabiga Mucaawiye- Allaha ka raali ahaadee- iyo ku dadaalkiisa inuu ku daydo Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- xaga fidinta cilmiga.
  2. Way banaan tahay in qofka la dhaariyo isaga oo aan la tuhmayn, si loogu baraarujiyo muhimada uu leeyahay warka loosheegayo.
  3. fadli wayn baa ku jira fadhiyada dikriga iyo cilmiga lagu haayo, Ilaahayna wuu jecel yahay wuuna ugu faanaa malaa`igta.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2075) (2701). نزهة المتقين (2/ 993). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 522). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (17/ 271).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَلاَ أُنَبِّئُكُمْ بِخَيْرِ أَعْمَالِكُمْ، وَأَزْكَاهَا عِنْدَ مَلِيكِكُمْ، وَأَرْفَعِهَا فِي دَرَجَاتِكُمْ وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ إِنْفَاقِ الذَّهَبِ وَالوَرِقِ، وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ أَنْ تَلْقَوْا عَدُوَّكُمْ فَتَضْرِبُوا أَعْنَاقَهُمْ وَيَضْرِبُوا أَعْنَاقَكُمْ؟» قَالُوا: بَلَى. قَالَ: «ذِكْرُ اللهِ تَعَالَى».
Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan Cadowgiina aadna Qoorta ka garaacdaan iyaguna ay Qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa: Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah. DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan. Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada? Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan? Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow. Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.

Faa’iidooyin
  1. Joogtaynta xuska Ilaahay kor iyo hoosba loo xuso waa acmaasha Ilaahay loogu dhawaado, uguna anfaca badan xaga Ilaahay.
  2. Dhamaan acmaasha waxaa loo jideeyey waa xusitaanka Ilaahay, Ilaahay sareeye wuxuu yiri: "Salaada u oog xuskayga dartii". Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaa loo jideeyey dawaafka Kacbada lagu dawaafo, iyo socodka Safa iyo Marwa, iyo tuurida Dhagaxyada Jamaraadka Mina in la oogo dikriga Ilaahay. waxaa wariyey Abuu Daa'uud iyo Tirmidi.
  3. Alcis Binu Cabdisalaam wuxuu ku yiri Qaacidooyinkiisa: xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha ku tusaaya in ajarka aan lagu helin sida camalka loogu daalo, taasoo ah dhamaan cibaadaadka, waxaaba dhici kara in Ilaahay camal yar ku abaal mariyo ajar ka badan kan uu ku bixiyo acmaal badan, hadaba ajarku wuxuu u kala bataa waa siday acmaashu u kala sharaf badan yihiin.
  4. Almanaawi wuxuu ku sheegay kitaabka "Faydul qadiir": xadiiskaan waxaa lagu xambaarayaa in dikrigu yahay waxa u fadli badan dadka lagala hadlayo xadiiskaan, hadiise loo jeedin lahaa hadalka geesi soomajeeste ah oo Islaamka dagaal wax ugu tara waxaa lagu oran lahaa waa jihaad, ama mid hantile ah oo dadka Saboolka ahi xoolihiisa ku intifaacayaan waxaa lagu oran lahaa waa Sadaqada, ama mid awooda inuu soo xajiyo waxaa lagu oran lahaa waa Xajka, ama mid labadiisa waalid nool yihiina waxaa lagu oran lahaa iyaga u baari noqo, sidaasaa lagu helaa iswaafajinta Axaadiista.
  5. Dikriga ugu kaamilsan waa midka Carabku ku hadlo Qalbiguna macnihiisa ku tadaburo, waxaa ku xiga dikriga Qalbiga kaliya laga xuso sida fakarida, waxaa kusii xiga dikriga Carabka oo keliya laga xuso, dhamaana ajarbay leeyihiin in shaa Allah Tacaalaa.
  6. Muslimka joogteeya adkaarta ku saabsan axwaasha Qofka sida adkaarta Subaxa, Galabta, galida Masjidka, galida Guriga, galida iyo ka soo bixida Suuliga .... iyo qayrkoodba waxay ka dhigayaan Qofka inuu ka mid noqda kuwa Ilaahay in badan xusa.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 389) (3377). سنن ابن ماجه (4/ 705) (3790). مسند أحمد (36/ 33) (21702). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 513). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 985). كنوز رياض الصالحين لمجموعة من الباحثين.

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَسِيرُ فِي طَرِيقِ مَكَّةَ، فَمَرَّ عَلَى جَبَلٍ يُقَالُ لَهُ جُمْدَانُ، فَقَالَ: «سِيرُوا هَذَا جُمْدَانُ، سَبَقَ الْمُفَرِّدُونَ» قَالُوا: وَمَا الْمُفَرِّدُونَ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الذَّاكِرُونَ اللهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتُ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa marayey dariiqa makka, wuxuu maray buur la dhoho Jumdaan, wuxuu yiri: "socda kani waa jumdaane, sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa" waxay dheheen: mufaridiintu waa maxay Rasuulka Ilaahayow? wuxuu yiri: "waa raga iyo dumarka xuska Ilaahay badiya".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey mansilada ay joogaan kuwa Ilaahay xuskiisa badiya, taasoo ah inay kaligood noqdeen oo qayrkood kaga hormareen darajooyin sare oo janada ah, wuxuuna ku shabahay buurta jumdaan ee ka duwan buuraha kale.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa sune ah in la badiyo laguna mashquulo xuska Ilaahay, waayo tartanka aakhiro waa sida loo kala cibaado badan yahay, iyo in cibaadada Ilaahay loo khaalis yeelo.
  2. Ilaahay waxaa lagu xusaa carabka oo keliya, ama qalbiga oo keliya, ama carabka iyo qalbiga oo wada socda, waana darajada ugu saraysa.
  3. Xuska Ilaahay waxaa ka mid ah adkaar cibaado kale ku xiran, sida adkaarta subixii iyo galabtii, iyo adkaarta ka dambaysa salaadaha faralka ah iyo qayrkoodba.
  4. Imaam Nawawi wuxuu yiri: ogow fadliga adkaartu kuma koobna tasbiixda, taxmiida (alxamdu lilaah), takbiirta (Allaahu akbar) iyo wixii la mida, balse qofkasta oo Ilaahay darti cibaado u sameeya Ilaahay ayuu xusay.
  5. Ilaahay oo la xuso waa asbaabta ugu weyn ee sugnaanta qalbiga lagu helo, Ilaahay wuxuu yiri: {kuwa Ilaahay rumeeyow, hadii aad qolo la diridhaan sugnaada, oo in badan, Ilaahay xusa waxaad mudan tihiin inaad guulaysataane.} [ Anfal:45]
  6. Meesha ay isaga egyihiin kuwa Ilaahay xusa iyo Buurta Jumdaan waa kelinimada iyo gaar ahaanta, oo Buurta Jumdaan Buuraha gaar ayey ka tahay, waana sidaas kuwa Ilaahay sareeye xusaa, Qofka gaarka ahi waa Qofka Qalbigiisa iyo Carabkiisu gaar la yihiin xuska Rabbigi haddii xataa uu dad ku dhex jiro, oo weheshada Xuska Rabbigi waqtiguu keligi yahay, kana qaloonaya hadduu dad badan dhex galo, waxaa kaloo dhici karta inay tahay meesha ay isaga egyihiin in Xusku sabab u yahay in Diinta lagu sugnaado sida Buurtuna sabab ugu tahay in Dhulku sugnaado, ama ay noqoto meesha ay isa egyihiin khayrka oo loo degdego Adduun iyo Aakhiroba, waayo Qofka ka soo Safra Madiina ee Makkah u socda hadduu soo gaaro Buurta Jumdaan waxay calaamad u ahayd inuu soo gaaray Makkah Qofkii soo gaarana waa mid soo degdegey, Qofka Ilaahay xusayana waa mid kaga soo hor maray dadkii kale xuska Ilaahay sareeye, Ilaahay ayaana og.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2062) (2676). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 983). تيسير الكريم الرحمن في تفسير كلام المنان، لابن سعدي (ص665). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 510). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 516).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf

عن أبي هريرة رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فِيمَا يَحْكِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ، قَالَ: «أَذْنَبَ عَبْدٌ ذَنْبًا، فَقَالَ: اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: عَبْدِي أَذْنَبَ ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، اعْمَلْ مَا شِئْتَ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكَ».
Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

Faa’iidooyin
  1. Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
  2. Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
  3. Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
  4. Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 145) (7507). صحيح مسلم (4/ 2112) (2758). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 383). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 493). النهاية في غريب الحديث والأثر، لابن الأثير(674).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ قَالَ: سُبْحَانَ اللهِ وَبِحَمْدِهِ، فِي يَوْمٍ مِائَةَ مَرَّةٍ، حُطَّتْ خَطَايَاهُ وَإِنْ كَانَتْ مِثْلَ زَبَدِ الْبَحْرِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhaha Maalintii boqol jeer: "subxaana Allaahi wa bixamdihii" waa laga tirtiraa oo loo dhaafaa dambigiisa, haba badnaado sida xoorta cad ee Badda dul saaran marka Baddu kacsan tahaye.

Faa’iidooyin
  1. Ajarkaa waxaa helaya Qofka u dhaha Maalintii si xiriir ah ama si aan xiriir ahaynba.
  2. Tasbiixdu: waa Ilaahay oo laga hufo nusqaanta, Xamdiguna: waa Ilaahay oo lagu sifeeyo kaamilnimo isagoo la jecel yahay oo la waynaynaayo.
  3. Ujeedada Xadiisku waa in dambiga yar la dhaafayo, danbiga waynse waxaa lagama maarmaan ah in laga towbad keeno.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 86) (6405). صحيح مسلم (4/ 2071) (2691). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 535). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 401). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 470). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 704).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir, toban jeer

عن أبي أيوب رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، عَشْرَ مِرَارٍ كَانَ كَمَنْ أَعْتَقَ أَرْبَعَةَ أَنْفُسٍ مِنْ وَلَدِ إِسْمَاعِيلَ».
Abii Ayuub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir, toban jeer wuxuu la mid ahaanayaa Qof xoreeyey Afar Qof oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha: "laa ilaaha Ilaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kuli shayin qadiir" macneheeduna yahay: mid xaq lagu caabudo ma jiro oo aan Ilaahay ahayn, waa kaligii shariigna malah, Ilaahayna isagaa xumaan ka hufane mulkigiisu waa kaamil, wuxuu xag u leeyahay amaan oo dhan iyadoo la jecel yahay oo la waynaynaayo cidaan isaga ahayna la waynayn, Ilaahay waa qaadir wax cajsi galinayaa jirin. Qofka ku celceliya digrigaa weyn Maalin kasta toban jeer, wuxuu helayaa ajarka uu helo Qof xoreeyey Afar Adoon oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah, isaga iyo Aabihiiba nabadi korkooda ha ahaatee, wuxuuna ugu gaar yeelay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee duriyada Nabi Ismaaciil way ka Sharaf badan yihiin dadka kale.

Faa’iidooyin
  1. Dikrigaan fadligiisa waxaa soo gelaya in Ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimada, Mulkiga, Xamdiga iyo Qudro taam ah.
  2. Ajarka dikrigaan wuu helayaa Qofkii si xiriira u yiraahda ama si goos goos ah u yiraahda.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 86) (6404). صحيح مسلم (4/ 2071) (2693). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 533). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 399). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 465). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 703).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِذَا قَالَ الْمُؤَذِّنُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، فَقَالَ أَحَدُكُمُ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، ثُمَّ قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، قَالَ: أَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الصَّلَاةِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: حَيَّ عَلَى الْفَلَاحِ، قَالَ: لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، ثُمَّ قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، قَالَ: اللهُ أَكْبَرُ اللهُ أَكْبَرُ، ثُمَّ قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ مِنْ قَلْبِهِ دَخَلَ الْجَنَّةَ».
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha Ilaa Allaah, uu ka daba dhoho: Ashhadu Allaa Ilaaha ilaa Allaah, haddana dhaho: Ashhadu Ana Maxamedan Rasuul Allaah, ee ka daba dhoho: Ashhadu ana Maxamedan Rasuul Allaah, haddana dhoho: xaya cala Salaah, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata illaa Billaah, hadana dhoho: xaya calal falaax, isna dhoho: laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah, haddana dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, isna ka daba dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar, haddana dhoho: laa Ilaaha ilaa Allaah, isna ka daba dhoho: laa Ilaaha Ilaa Allaah isago ay qalbiga ka tahay Janaduu gelayaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Aadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo gelida waqtiga Salaada, erayada Aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay. Xadiiskan Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu ku cadeyey inay Sharci tahay Qofku markuu Aadaanka maqlo, in Qofka maqlaya uu yiraahdo sida Mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii Mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' Qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro Mu'adinku '' xaya cala Salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran Qofka maqlayaa Aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah ''. Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee in qofka ka daba dhaha Mu'adinka erayada Aadaanka isago ay qalbi iyo daacad ka tahay inuu Janada gelayo. Macnaha Erayada Aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa wax walba ka weyn oo ka mudan. '' Ashhadu alaa Ilaa Ilaaha Ilaa Allaah '':Iilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro. ''Ashhadu ana Maxamedan Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamed yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay. ''Xaya cala Salaat'', u kaalaya Salaada, hadalka Qofka maqlaya Aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafajiyo mooyee. ''Xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto Janada lagana bad-baadada Naarta.

Faa’iidooyin
  1. fadli ayuu leeyahay in laga daba dhoho Mu'adinka erayada uu oranayo marka laga reebo ''xaya cala Salaat iyo xaya calal-falaax'', taasoo uu oranayo ''laa xawla walaa Quwata ilaa Billaah''.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 289) (385)، إكمال المعلم (2/253)، شرح النووي على مسلم (4/88)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 116).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya

عَنْ ‌عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنها أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِذَا سَمِعْتُمُ الْمُؤَذِّنَ فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ، ثُمَّ صَلُّوا عَلَيَّ، فَإِنَّهُ مَنْ صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا، ثُمَّ سَلُوا اللهَ لِيَ الْوَسِيلَةَ، فَإِنَّهَا مَنْزِلَةٌ فِي الْجَنَّةِ، لَا تَنْبَغِي إِلَّا لِعَبْدٍ مِنْ عِبَادِ اللهِ، وَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ أَنَا هُوَ، فَمَنْ سَأَلَ لِيَ الْوَسِيلَةَ حَلَّتْ لَهُ الشَّفَاعَةُ».
Cabdullaahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya, waayo Qofka igu saliya hal mar Ilaahay ayaa toban jeer ku saliya, ka dibna ii weydiiya Ilaahay wasiila, wasiiladu waa darajo Janada ku taal, oo aan ku haboonayn Adoon ka mida Adoomada Ilaahay mooyaane, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaas, Qofka ii waydiiya wasiila waxaa gaaraya Shafaacadayda".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Ummaddiisa ku booriyey i Qofka maqla Mu'adinka Salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay Mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa Billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka Aadaanku dhamaado, Qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban Salaadood, Salaada Ilaahay ku saliyaayo Adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay Adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda. Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo weydiiyo ''wasiila'', waana darajo Janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal Adoon oo Adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal Qof mudan yahay, Qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku boorinayaa in la ajiibo Mu'adinka.
  2. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in lagu saliyo fadli ayey leedahay Mu`adinka marka la ajiibo ka dib.
  3. Waxaa la isku boorinayaa in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'' marka lagu saliyo isaga ka dib.
  4. Wasiiladu waa darajo sare, oo Adoon qura maahee cid kale u qalmin.
  5. Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadligiisa waxaana lagu gaar yeelay darajadaas sare.
  6. Qofka Ilaahay u waydiiya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ''wasiila'' shafaacadiisa ayuu helayaa.
  7. Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa waayo wuxuu weydiistay Ummaddiisu inay Ilaahay uga barido darajadaas sare, iyadoo darajaas isaga la siin doono.
  8. Waa Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa waasaca ah, oo halka xasano waxay u dhigantaa toban iyada la mida.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 288) (384)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 111 (9/ 109)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 13).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 9
9 xadiis
  1. idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa
  2. Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina
  3. sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa
  4. Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf
  5. Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee
  6. Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir, toban jeer
  7. Markuu dhoho Mu'addinku: Allaahu akbar Allaahu akbar, ee midkiin dhoho: Allaahu akbar Allaahu akbar
  8. Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya
  9. kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com