Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.
- Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
- Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
- Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
- Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.
صحيح البخاري (9/ 145) (7507). صحيح مسلم (4/ 2112) (2758). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 383). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 493). النهاية في غريب الحديث والأثر، لابن الأثير(674).