Abii Hureyra -Allah ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: " Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.
Faa’iidooyin
Waxaa loogu yeerayaa mu'uminka cadaalad iyo in caqligu shaqeeyo khilaaf walba oo soo kala dhex gala isaga iyo xaaskiisa, waana inuusan u leexan in caadifada iyo xanaaqa ku meel gaarka ahi shaqeeyaan.
Mu'uminka xaalkiisu waa inuusan u xanaaqin Muminad xanaaq kaamil ah oo ku kalifa inuu isaga tago, balse waxaa haboon waxa uu ku dhibsanaayo inuu ku ilaawo waxaa uu ku jecel yahay.
Waxaa lagu boorinayaa labada is qabta inay sifiican isu dhaqdaan oo si wanaagsan u wada noolaadaan.
صحيح مسلم (2/ 1091) (1469).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 359).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 122).
فتح رب البرية بتلخيص الحموية، لابن عثيمين (ص117).
مجموع فتاوى ابن باز (25/ 246).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 282).
عن أبي موسى رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «لا نِكَاحَ إِلّا بِوَليٍّ».
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Ma jiro Nikaax weli la'aanti dhacaya".