عن عقبة بن عامر رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَحَقُّ الشُّرُوطِ أَنْ تُوفُوا بِهِ مَا اسْتَحْلَلْتُمْ بِهِ الْفُرُوجَ».
Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen Farjiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga Dumarka, waana shuruud mubaax ah oo ay dalban karto xaasku marka la nikaaxayo.
Faa’iidooyin
Waa waajib fulinta shardiga labada is qabaa midkood kan kale ku xiro, shardi xaaraan xalaalaynaaya ama shardi xalaal xaaraantimaynaaya mooyee.
Fulinta shuruuda nikaaxa wuu ka mudan yahay wixii qayrki ah, waayo waxaa looga bedeshay oo lagu xalaashaday Farjiga.