Sabīl › Xadiis › Xadiisyo la sharraxay › Nikaaxa عن أبي موسى رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «لا نِكَاحَ إِلّا بِوَليٍّ».
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Ma jiro Nikaax weli la'aanti dhacaya".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed Darajo Xadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Gabadha Nikaaxeedu aanu ansaxayn weli nikaaxiya la`aanti.
Faa’iidooyin
Weligu wuxuu shardi u yahay nikaaxu inuu ansaxo, haduu weli la`aan la nikaaxo ama Gabadhu iyadu isu Guuriso Nikaas ma ansaxaayo Nikaaxu.
Waligu waa ninka ugu dhow Gabadha, uma guurinaayo wali ka fog iyadoo mid uga dhawaa joogo.
Waliga waxaa u shardi ah: inuu yahay Qof Masuula oo nin ah, waa inuu yaqaan maslaxada nikaaxa, waa inay isaga iyo gabadhu isku Diin yihiin, Qofka aan Sifooyinkaas laga helin wali uma noqonkaro nikaax. Tixraac
سنن أبي داود (3/ 427) (2085).
سنن الترمذي (2/ 392) (1101).
سنن ابن ماجه (3/ 79) (1881).
مسند أحمد (32/ 280) (19518).
البدرُ التمام شرح بلوغ المرام، للمَغرِبي (7/ 57).
إرواء الغليل في تخريج أحاديث منار السبيل، للألباني (6/ 237).
توضِيح الأحكام من بلوغ المَرَام، للبسام (5/ 262).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (7/ 222).
فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (4/ 469).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Hore Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado Nikaaxa Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com