عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَكْمَلُ الْمُؤْمِنِينَ إِيمَانًا أَحْسَنُهُمْ خُلُقًا، وَخَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِنِسَائِهِمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo.
Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa Dumarkooda u khayr roon, sida Gaaskiisa, gabdhihiisa, Walaalihiis iyo Dumarka Qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.
Faa’iidooyin
- Waa fadliga akhlaaqda wanaagsan iyo inay ka mid tahay iimaanka.
- Camalku iimaan kuu ka mid yahay, iimaankuna wuu kordhaa wuuna yaraada.
- Islaamku wuu maamuusay Dumarka wuxuuna ku booriyey in loo ixsaan falo.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 70) (4682).
سنن الترمذي (2/ 454) (1162).
مسند أحمد ط الرسالة (12/ 364) (7402).
سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (1/ 573).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 362).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 130).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 234).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «كُلُّكُمْ رَاعٍ فَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، فَالأَمِيرُ الَّذِي عَلَى النَّاسِ رَاعٍ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ عَلَى أَهْلِ بَيْتِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ عَلَى بَيْتِ بَعْلِهَا وَوَلَدِهِ وَهِيَ مَسْئُولَةٌ عَنْهُمْ، وَالعَبْدُ رَاعٍ عَلَى مَالِ سَيِّدِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُ، أَلاَ فَكُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ».
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey Qoyskiisa waana la waydiin, Gabadha Xaaska ahna waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda iyo Caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Adoonka waxaa la raaciyey Xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, war hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal ayaad tihiin dhamaantiina waa la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qof walba oo Muslima ay ka saaran tahay Bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo Amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku Jihaadaan Cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu Qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho Gurigiisa oo ay tarbiyeyso Caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee Adoonka ah iyo kan Shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin Xoolaha Sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey,
qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.
Faa’iidooyin
- Masuuliyada Bulshada Muslimka ah waa mid guud, Qof kastana waxaa laga rabaa inta awooddiisa iyo mas'uuliyadiisu tahay, ee uu gudan karo.
- Masuuliyada Dumarka saarani waa mid weyn, waxaana laga rabaa inay si wanaagsan u gudato waajibka ka saaran Guriga ninkeeda iyo kan Caruurteeda.
Tixraac
صحيح البخاري (3/ 150) (2554).
صحيح مسلم (3/ 1459) (1829).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 369).
إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري، القسطلاني (4/ 326).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com