An-Noor 24:59
النوروَإِذَا بَلَغَ ٱلْأَطْفَـٰلُ مِنكُمُ ٱلْحُلُمَ فَلْيَسْتَـْٔذِنُوا۟ كَمَا ٱسْتَـْٔذَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ ءَايَـٰتِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba ay idan u qaataan [33]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
[33]. Waa kuwii ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaataan. Wiilka kurayga ah ama addoonka waa inuu idan qaato ka hor soo gelidda qolka.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net