U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 58

An-Noor 24:58

النور

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لِيَسْتَـْٔذِنكُمُ ٱلَّذِينَ مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَبْلُغُوا۟ ٱلْحُلُمَ مِنكُمْ ثَلَـٰثَ مَرَّٰتٍ ۚ مِّن قَبْلِ صَلَوٰةِ ٱلْفَجْرِ وَحِينَ تَضَعُونَ ثِيَابَكُم مِّنَ ٱلظَّهِيرَةِ وَمِنۢ بَعْدِ صَلَوٰةِ ٱلْعِشَآءِ ۚ ثَلَـٰثُ عَوْرَٰتٍ لَّكُمْ ۚ لَيْسَ عَلَيْكُمْ وَلَا عَلَيْهِمْ جُنَاحٌۢ بَعْدَهُنَّ ۚ طَوَّٰفُونَ عَلَيْكُم بَعْضُكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلْـَٔايَـٰتِ ۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ

Macne

58. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (intay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti [32]; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayada- ha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah.

[32]. Waa seddex waqti oo badi dadku jirkooda daboolneyn oo furan yihiin, sidaas awgeed buu Alle uga reebay addoomaha ka adeega guryaha iyo carruurta aan qaan gaarin inay u soo galaan qolka hurdada ninka iyo naagtiisa.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net