U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 60

An-Noor 24:60

النور

وَٱلْقَوَٰعِدُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ ٱلَّـٰتِى لَا يَرْجُونَ نِكَاحًا فَلَيْسَ عَلَيْهِنَّ جُنَاحٌ أَن يَضَعْنَ ثِيَابَهُنَّ غَيْرَ مُتَبَرِّجَـٰتٍۭ بِزِينَةٍ ۖ وَأَن يَسْتَعْفِفْنَ خَيْرٌ لَّهُنَّ ۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ

Macne

60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna denbi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah [34] iyagoon isku muujineyn inay is qurxiyaan. Inay isdhowraan [35] baa u khayr badan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

[34]. Xijaabka (cabbaayada) ay dusha ka xirtaan ee hadday iska dhigaan aanay muuqaneyn cowradooda bal uu kaga hooseeyo canbuur astura, iwm dhib ma leh xagga dumarka da’da ah ee duqoobay inayan dedin luqumahooda ama qayb ka mid ah gacmahooda.
[35]. Oo xijaabkooda kore dhigin oo wejiga dabooshaan.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net