U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 36

An-Noor 24:36

النور

فِى بُيُوتٍ أَذِنَ ٱللَّهُ أَن تُرْفَعَ وَيُذْكَرَ فِيهَا ٱسْمُهُۥ يُسَبِّحُ لَهُۥ فِيهَا بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْـَٔاصَالِ

Macne

36. (Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo gudahood uu Alle idmay in la kor yeelo [28], Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo tasbiixsada gudahood subax iyo galabba,

[28]. Waa Masaajida Alle.
Abuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari)
Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari).

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net