U bood nuxurka
Suuradda 24 · Aayadda 35

An-Noor 24:35

النور

ٱللَّهُ نُورُ ٱلسَّمَـٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ مَثَلُ نُورِهِۦ كَمِشْكَوٰةٍ فِيهَا مِصْبَاحٌ ۖ ٱلْمِصْبَاحُ فِى زُجَاجَةٍ ۖ ٱلزُّجَاجَةُ كَأَنَّهَا كَوْكَبٌ دُرِّىٌّ يُوقَدُ مِن شَجَرَةٍ مُّبَـٰرَكَةٍ زَيْتُونَةٍ لَّا شَرْقِيَّةٍ وَلَا غَرْبِيَّةٍ يَكَادُ زَيْتُهَا يُضِىٓءُ وَلَوْ لَمْ تَمْسَسْهُ نَارٌ ۚ نُّورٌ عَلَىٰ نُورٍ ۗ يَهْدِى ٱللَّهُ لِنُورِهِۦ مَن يَشَآءُ ۚ وَيَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَـٰلَ لِلنَّاسِ ۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ

Macne

35. Alle waa Nuuriyaha [25] samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa [26] waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo [27], dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.

[25]. Alle waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka.
[26]. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.
[27]. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka.

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

An-Noor

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net