Al-Baqara 2:75
البقرةأَفَتَطْمَعُونَ أَن يُؤْمِنُوا۟ لَكُمْ وَقَدْ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْهُمْ يَسْمَعُونَ كَلَـٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُۥ مِنۢ بَعْدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda) [15] intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
[15]. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net