Al-Baqara 2:76
البقرةوَإِذَا لَقُوا۟ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَا بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ قَالُوٓا۟ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ ٱللَّهُ عَلَيْكُمْ لِيُحَآجُّوكُم بِهِۦ عِندَ رَبِّكُمْ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey [16], si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
[16]. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net