Al-Baqara 2:74
البقرةثُمَّ قَسَتْ قُلُوبُكُم مِّنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ فَهِىَ كَٱلْحِجَارَةِ أَوْ أَشَدُّ قَسْوَةً ۚ وَإِنَّ مِنَ ٱلْحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنْهُ ٱلْأَنْهَـٰرُ ۚ وَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخْرُجُ مِنْهُ ٱلْمَآءُ ۚ وَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَهْبِطُ مِنْ خَشْيَةِ ٱللَّهِ ۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَـٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed [14]. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
[14]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net