Al-Baqara 2:260
البقرةوَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِـۧمُ رَبِّ أَرِنِى كَيْفَ تُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ ۖ قَالَ أَوَلَمْ تُؤْمِن ۖ قَالَ بَلَىٰ وَلَـٰكِن لِّيَطْمَئِنَّ قَلْبِى ۖ قَالَ فَخُذْ أَرْبَعَةً مِّنَ ٱلطَّيْرِ فَصُرْهُنَّ إِلَيْكَ ثُمَّ ٱجْعَلْ عَلَىٰ كُلِّ جَبَلٍ مِّنْهُنَّ جُزْءًا ثُمَّ ٱدْعُهُنَّ يَأْتِينَكَ سَعْيًا ۚ وَٱعْلَمْ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
260. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, oo jarjar, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net