Al-Baqara 2:259
البقرةأَوْ كَٱلَّذِى مَرَّ عَلَىٰ قَرْيَةٍ وَهِىَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا قَالَ أَنَّىٰ يُحْىِۦ هَـٰذِهِ ٱللَّهُ بَعْدَ مَوْتِهَا ۖ فَأَمَاتَهُ ٱللَّهُ مِا۟ئَةَ عَامٍ ثُمَّ بَعَثَهُۥ ۖ قَالَ كَمْ لَبِثْتَ ۖ قَالَ لَبِثْتُ يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۖ قَالَ بَل لَّبِثْتَ مِا۟ئَةَ عَامٍ فَٱنظُرْ إِلَىٰ طَعَامِكَ وَشَرَابِكَ لَمْ يَتَسَنَّهْ ۖ وَٱنظُرْ إِلَىٰ حِمَارِكَ وَلِنَجْعَلَكَ ءَايَةً لِّلنَّاسِ ۖ وَٱنظُرْ إِلَى ٱلْعِظَامِ كَيْفَ نُنشِزُهَا ثُمَّ نَكْسُوهَا لَحْمًا ۚ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُۥ قَالَ أَعْلَمُ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net