Al-Baqara 2:228
البقرةوَٱلْمُطَلَّقَـٰتُ يَتَرَبَّصْنَ بِأَنفُسِهِنَّ ثَلَـٰثَةَ قُرُوٓءٍ ۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَن يَكْتُمْنَ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِىٓ أَرْحَامِهِنَّ إِن كُنَّ يُؤْمِنَّ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ ۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِى ذَٰلِكَ إِنْ أَرَادُوٓا۟ إِصْلَـٰحًا ۚ وَلَهُنَّ مِثْلُ ٱلَّذِى عَلَيْهِنَّ بِٱلْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
228. Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net