U bood nuxurka
Suuradda 2 · Aayadda 229

Al-Baqara 2:229

البقرة

ٱلطَّلَـٰقُ مَرَّتَانِ ۖ فَإِمْسَاكٌۢ بِمَعْرُوفٍ أَوْ تَسْرِيحٌۢ بِإِحْسَـٰنٍ ۗ وَلَا يَحِلُّ لَكُمْ أَن تَأْخُذُوا۟ مِمَّآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ شَيْـًٔا إِلَّآ أَن يَخَافَآ أَلَّا يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِ ۖ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا فِيمَا ٱفْتَدَتْ بِهِۦ ۗ تِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ فَلَا تَعْتَدُوهَا ۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّـٰلِمُونَ

Macne

229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor (oo kolba mid ah aan isku mar aheyn), ee u haysta (xaasaskiinna) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com

Al-Baqara

Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net