Al-Israa 17:23
الإسراءوَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلْوَٰلِدَيْنِ إِحْسَـٰنًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ ٱلْكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا
23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” [11], hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
[11]: Waxaa la isu diiday in lagu yidhaahdo waalidka : "Uf aan la maqleyn ” marka wixii ka sii weyn oo qowl ama ficil ah ka daran oo ka denbi weyn, mana bannaana. Bal wuxuu Alle amray in la xurmeeyo oo la xaq dhowro oo si fiican loo xiriiriyo oo la wanaajiyo oo loogu adeego si farxad iyo laab furni leh. Uf waa muujin diiddo ama nac.
Macne: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub. Translated by Abdullah Hasan Yaqoub Nooca 1.0.26, 2025-09-04. QuranEnc.com
Carabigu waa qoraalka Tanzil, oo aan la beddelin. Macnayaashu waa daabacaadaha faafiyeyaashooda, oo aan la beddelin; dib-u-eegayaasha Sabīl laftiisu weli ma baarin. Carabi: qoraalka Cuthmaaniga ee Tanzil, nooca 1.1. Isha: tanzil.net