U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qadarka iyo Qadaha oo la rumeeyo

8 xadiis

Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga

عَنْ طَاوُسٍ أَنَّهُ قَالَ: أَدْرَكْتُ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، يَقُولُونَ كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، قَالَ: وَسَمِعْتُ عَبْدَ اللهِ بْنَ عُمَرَ رضي الله عنهما يَقُولُ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، حَتَّى الْعَجْزِ وَالْكَيْسِ، أَوِ الْكَيْسِ وَالْعَجْزِ».
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad ka mida Asxaabtii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo oranaya wax waliba waa qadar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qadar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.

Faa’iidooyin
  1. waa la cadeeyey in Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee ay rumaysnaayeen qadarka.
  2. Wax kasta waxay ku dhacaan qadarka Ilaahay xataa wahsiga iyo firfircoonida.
  3. Waa hubinta iyo digtoonida asxaabta Allaha ka raali ahaade ee xaga tabinta xadiiska Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  4. waa in la rumeeyo qadark oo dhan kheyrkiisa iyo sharkiisaba.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2045) (2655)، إكمال المعلم (8/143)، شرح النووي على مسلم (16/205)، الفتح الرباني لترتيب مسند الإمام أحمد بن حنبل الشيباني (1/ 122).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay markuu ku xugmiyo adoon inuu ku dhinto dhul, dhulkaas ayaa Ilaahay dan ka geliyaa

عَنْ مَطَرِ بْنِ عُكَامِسٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِذَا قَضَى اللَّهُ لِعَبْدٍ أَنْ يَمُوتَ بِأَرْضٍ جَعَلَ لَهُ إِلَيْهَا حَاجَةً».
Madar Binu Cukaamis Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Ilaahay markuu ku xugmiyo adoon inuu ku dhinto dhul, dhulkaas ayaa Ilaahay dan ka geliyaa.
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay haduu ku xugmiyo oo ku qadaro adoon inuu ku dhinto dhul uusan markaa joogin, Ilaahay wuxuu ka geliyaa dhulkaa dan uu ku tago, markuu tagana nafta looga qaada.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskani wuxuu waafaqayaa hadalka Ilaahay casa wajala: (nafina ma oga dhulka ay ku dhiman doonto).
Tixraac

سنن الترمذي (4/ 23) (2146)، تحفة الأحوذي (6/ 299).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, aan kuu marag furo Maalinta Qiyaamee

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِعَمِّهِ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، أَشْهَدُ لَكَ بِهَا يَوْمَ الْقِيَامَةِ»، قَالَ: لَوْلَا أَنْ تُعَيِّرَنِي قُرَيْشٌ، يَقُولُونَ: إِنَّمَا حَمَلَهُ عَلَى ذَلِكَ الْجَزَعُ لَأَقْرَرْتُ بِهَا عَيْنَكَ. فَأَنْزَلَ اللهُ: {إِنَّكَ لا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ } [القصص: 56].
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Adeerki: " dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, aan kuu marag furo Maalinta Qiyaamee", wuxuu yir: Adeerki hadayna qurayshi igu ceebayn lahayn oo aysan oranayn: waxaa ka keenay cabsi waan oron laha oo kaaga farxin lahaa, Ilaahay ayaa soo dajiyey: {Adigu ma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuuniya Qofkuu doono}: [Alqasas: 56].
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka codsaday adeerki Abii Daalib isagoo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco Maalinta Qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diiday inuu ku dhawaaqo Shahaadada, isago ka baqaya in Qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa Shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey Aayada sheegaysa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ummadda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.

Faa’iidooyin
  1. Xaqa loogama tago cabsi laga qabo dadka hadlkooda.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu leeyahay hidaayada dalaalada iyo tan hanuuntinta ee malaha hidaayada towfiiqda.
  3. Way banaan tahay booqashada Gaalka buka si loogu yeero Diinta Islaamka.
  4. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dadaalay inuu dadka diinta ugu yeero xaalad walba.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 55) (25)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (1/ 539)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 742).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com