U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qadarka iyo Qadaha martabooyinkooda

4 xadiis

yar لاow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: كُنْتُ خَلْفَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَوْمًا، فَقَالَ: «يَا غُلَامُ، إِنِّي أُعَلِّمُكَ كَلِمَاتٍ، احْفَظِ اللهَ يَحْفَظْكَ، احْفَظِ اللهَ تَجِدْهُ تُجَاهَكَ، إِذَا سَأَلْتَ فَاسْأَلِ اللهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْتَ فَاسْتَعِنْ بِاللهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوِ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوكَ بِشَيْءٍ، لَمْ يَنْفَعُوكَ إِلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللهُ لَكَ، وَلَوِ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوكَ بِشَيْءٍ، لَمْ يَضُرُّوكَ إِلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللهُ عَلَيْكَ، رُفِعَتِ الْأَقْلَامُ وَجَفَّتِ الصُّحُفُ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: "Maalin ayaan Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa fuushanaa, wuxuu igu yiri: " " yar لاow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso, ogowna haday ummadda oo dhan isu tagaan si ay wax kuugu taran, kuma tari karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadii dadka oo dhan isu tagaan si ay kuu dhibaan kuguma dhibi karaan, wax uu Ilaahay kuu qoray mooyee, kor ayaa loo qaaday qalimadii warqadihiina way qalaleen ".
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la fuushanaa, markaasa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoono: Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba. Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista. Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan. Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee. wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee. Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayaan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.

Faa’iidooyin
  1. Muhimada ay leedahay in la baro kuwa yar yar iyo caruurta arimaha Diinta sida caqiidada iyo aadaabta Islaamka iyo wax yaabo kale.
  2. Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka.
  3. Waxaa la is farayaa in Ilaahay lagu kalsoonaado, oo kaligi la talo saarto oo aan cid kale la talo saaran, isagaa ugu khayr badan mid la talo saarto.
  4. Waa la rumeeyo qadaha iyo qadarka oo lagu raali noqdo qadarka, Ilaahayna isagaa qadaray shay walba.
  5. Qofka dayaca Ilaahay amarkiisa, Ilaahay ayaa isagana dayacaya mana xifdiyo.
Tixraac

سنن الترمذي (4/ 284) (2516). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص42). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص200). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص69).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ الصَّادِقُ المَصْدُوقُ: «أَنَّ خَلْقَ أَحَدِكُمْ يُجْمَعُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا وَأَرْبَعِينَ لَيْلَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يُبْعَثُ إِلَيْهِ المَلَكُ، فَيُؤْذَنُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ، فَيَكْتُبُ: رِزْقَهُ وَأَجَلَهُ وَعَمَلَهُ وَشَقِيٌّ أَمْ سَعِيدٌ، ثُمَّ يَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الجَنَّةِ حَتَّى لاَ يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُ النَّارَ، وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ عَمَلَ أَهْلِ الجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا».
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: "Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan Maalmood iyo afartan Habeen, ka dib wuxuu noqon Xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa Malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: Risiqiisa, Cimrigiisa, Camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufaa, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu Janaha ilaa marka uu u jiro Janada dhudhun wax le'eg ayaa qadarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka markaasuu Naarta gelin, midkiin ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu u jirsado Naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha markaasuu Janada gelayaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumaystay. wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan tahay waxaa lagu aruurin uurka Gabadha mudo afartan beri ah isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon Xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka seddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa Malag, naftuuna ku afuufaa afartanka seddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa Malaga inuu qoro afar kalimadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu aduunka joogi doono, Iyo Camalkiiisa, muxuu noqon, ma mid hoogay baa mise mid liibaanay. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- qofku inuu camalka Ahlu Janaha camal falin, kaasoo ah camal saalixa, sida dadka u muuqata, sidaas ayuu ahaanayaa ilaa markay Janadu u jiro dhudhun, waxaa yacni markay Janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhudhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qadarkii u qornaa wuxuuna camal falin camalka Ahlu Naarka oo loogu khatimin Naartuuna gelin, waayo Shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu Qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal falin camalka Ahlu Naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago Naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qadarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal falin camalka Ahlu Janaha wuuna gelin Janada.

Faa’iidooyin
  1. Meesha ay ku dambayn arintu waa ciribteeda waana sida kolba qadarka Ilaahay horay u qoray.
  2. Waa laga digay in lagu sirmo muuqaalka camalka, waayo camalka khaatumada uunbaa laga eegaa.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 135) (7454)، (4/ 111) (3208)، صحيح مسلم (4/ 2036) (2643)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (15/ 130)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 84).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor

عَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنهما قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «كَتَبَ اللهُ مَقَادِيرَ الْخَلَائِقِ قَبْلَ أَنْ يَخْلُقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِخَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ، قَالَ: وَعَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ».
Cabullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: «Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor wuxuu yiri: Carshigiisuna Biyaha ayuu ka sareeyey».
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahey ku qoray Looxul Maxfuudka wixii dhici doona ee khalqiga qadarkooda ah iyadoo faah-faah taaso inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sano ka hor, waxayna u dhicidoontaa sida uu Ilaahay casa wajala ugu talo galay. Wax kasta oo dhaca waxay ku dhacaan Ilaahay qadarkiisa iyo qadihiisa. Wixii Adoonka ku dhaca ma ay gafeen, wixii aan ku dhicina kuma ay dheceen.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib ah in la rumeeyo qadarka iyo qadaha
  2. Qadarku waa Ilaahay inuu og yahay shey walba uuna qoray oo uu doonay oo abuuray.
  3. Waa in la rumeeyo in qadarka la qoray inta aan la abuurin samooyinka iyo dhulka wuxuuna keenayaa raali ahaansho iyo in Ilaahay la isku dhiibo.
  4. Carshiga Ilaahay biyuu dul ahaa intaan la abuurin Samooyinka iyo Dhulka.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2044) (2653)، إكمال المعلم (8/141)، البحر المحيط الثجاج (41/450).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga

عَنْ طَاوُسٍ أَنَّهُ قَالَ: أَدْرَكْتُ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، يَقُولُونَ كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، قَالَ: وَسَمِعْتُ عَبْدَ اللهِ بْنَ عُمَرَ رضي الله عنهما يَقُولُ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، حَتَّى الْعَجْزِ وَالْكَيْسِ، أَوِ الْكَيْسِ وَالْعَجْزِ».
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad ka mida Asxaabtii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo oranaya wax waliba waa qadar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qadar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.

Faa’iidooyin
  1. waa la cadeeyey in Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee ay rumaysnaayeen qadarka.
  2. Wax kasta waxay ku dhacaan qadarka Ilaahay xataa wahsiga iyo firfircoonida.
  3. Waa hubinta iyo digtoonida asxaabta Allaha ka raali ahaade ee xaga tabinta xadiiska Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  4. waa in la rumeeyo qadark oo dhan kheyrkiisa iyo sharkiisaba.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2045) (2655)، إكمال المعلم (8/143)، شرح النووي على مسلم (16/205)، الفتح الرباني لترتيب مسند الإمام أحمد بن حنبل الشيباني (1/ 122).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com