عَنْ مَطَرِ بْنِ عُكَامِسٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِذَا قَضَى اللَّهُ لِعَبْدٍ أَنْ يَمُوتَ بِأَرْضٍ جَعَلَ لَهُ إِلَيْهَا حَاجَةً».
Madar Binu Cukaamis Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Ilaahay markuu ku xugmiyo adoon inuu ku dhinto dhul, dhulkaas ayaa Ilaahay dan ka geliyaa.
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay haduu ku xugmiyo oo ku qadaro adoon inuu ku dhinto dhul uusan markaa joogin, Ilaahay wuxuu ka geliyaa dhulkaa dan uu ku tago, markuu tagana nafta looga qaada.
Faa’iidooyin
- Xadiiskani wuxuu waafaqayaa hadalka Ilaahay casa wajala: (nafina ma oga dhulka ay ku dhiman doonto).
Tixraac
سنن الترمذي (4/ 23) (2146)، تحفة الأحوذي (6/ 299).