U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤْمِنِينَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّهَا قَالَتْ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، نَرَى الجِهَادَ أَفْضَلَ العَمَلِ، أَفَلاَ نُجَاهِدُ؟ قَالَ: «لَا، لَكُنَّ أَفْضَلُ الجِهَادِ: حَجٌّ مَبْرُورٌ».
Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha u weydiisay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.

Faa’iidooyin
  1. Jihaadku waa camalka ugu fadliga badan raga.
  2. Xajku dumarka isagaa uga fadli badan Jihaadka waana camalka ugu fadliga badan dumarka.
  3. Acmaashu way kala fadli badan tahay wayna u kala duwan tahay kolba qofka qabanaya camalka.
  4. Xajka waxaa lagu magacaabay jihaad, waayo waa jihaadka nafta, iyo maalka oo la huro, iyo tamarta jirka oo lagu bixinaayo, waana cibaado jirka iyo maalba lagu bixiyo sida jihaadka Ilaahay darti oo kale.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 133) (1520). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 402). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 902). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 321).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Xajka iyo Cumrada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com