Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu ka soo laabtay xajatul-wadaac, ayuu ku yiri haweenay reer ansaar ah oo xajka aan tagin: maxaa kuu diiday inaad xajka noo raacdid?
Waxay ku cudur daaratay inay lahaayeen labo awr, oo mid odaygeeda iyo wiilkeedu ku xajiyeen, midna wuu uga tagey si biyaha ceelka uga soo dhaansadaan.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay in gudashada cumrada bisha ramadaan dhexdeeda uu u dhigmo ajarkeedu ajarka xajka.
Ajarka camalku wuxuu ku siyaadaa sharafta uu waqtigu leeyahay, waxaana ka mid ah acmaasha bisha ramadaanka la qabto.
Tixraac
صحيح البخاري (3/ 19) (1863).
صحيح مسلم (2/ 917) (1256).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 403).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 896).
المنهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج، للنووي (9/ 2).
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ حَجَّ لِلهِ فَلَمْ يَرْفُثْ وَلَمْ يَفْسُقْ رَجَعَ كَيَوْمِ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan Rafas la imaan, Rafaskuna waa Galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxaa kaloo lagu macneeyaa Rafaska hadalka xun, Qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco wax yaabaha ka reeban Qofka Muxrimka ah, Qofkaasi wuxuu Xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida Ilmuhu markuu dhasho aanu danbi u lahayn.
Faa’iidooyin
Fusuqu isagoo reeban mar walba, hadana waxaa lasii adkeeyey reebidiisa marka Xajka la gudanaayo, iyado la waynaynaayo acmaasha Xajka.
Dadku waxay dhashaan iyago wax danbiya aan lahayn, mana qaadayaan gaf qof kale galay.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 133) (1521).
صحيح مسلم (2/ 983) (1350).
رياض الصالحين من كلام سيد المرسلين (ص358) (1274).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 401).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (15/ 378).
شرح رياض الصالحين، للشيخ محمد بن صالح العثيمين (5/ 321).
شرح النووي على مسلم (9/ 119).
إكمال المعلم بفوائد مسلم، للقاضي عياض (4/ 462).
Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha u weydiisay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan?
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.
Faa’iidooyin
Jihaadku waa camalka ugu fadliga badan raga.
Xajku dumarka isagaa uga fadli badan Jihaadka waana camalka ugu fadliga badan dumarka.
Acmaashu way kala fadli badan tahay wayna u kala duwan tahay kolba qofka qabanaya camalka.
Xajka waxaa lagu magacaabay jihaad, waayo waa jihaadka nafta, iyo maalka oo la huro, iyo tamarta jirka oo lagu bixinaayo, waana cibaado jirka iyo maalba lagu bixiyo sida jihaadka Ilaahay darti oo kale.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 133) (1520).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 402).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 902).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 321).