U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ حَجَّ لِلهِ فَلَمْ يَرْفُثْ وَلَمْ يَفْسُقْ رَجَعَ كَيَوْمِ وَلَدَتْهُ أُمُّهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan Rafas la imaan, Rafaskuna waa Galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxaa kaloo lagu macneeyaa Rafaska hadalka xun, Qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco wax yaabaha ka reeban Qofka Muxrimka ah, Qofkaasi wuxuu Xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida Ilmuhu markuu dhasho aanu danbi u lahayn.

Faa’iidooyin
  1. Fusuqu isagoo reeban mar walba, hadana waxaa lasii adkeeyey reebidiisa marka Xajka la gudanaayo, iyado la waynaynaayo acmaasha Xajka.
  2. Dadku waxay dhashaan iyago wax danbiya aan lahayn, mana qaadayaan gaf qof kale galay.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 133) (1521). صحيح مسلم (2/ 983) (1350). رياض الصالحين من كلام سيد المرسلين (ص358) (1274). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 401). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (15/ 378). شرح رياض الصالحين، للشيخ محمد بن صالح العثيمين (5/ 321). شرح النووي على مسلم (9/ 119). إكمال المعلم بفوائد مسلم، للقاضي عياض (4/ 462).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Xajka iyo Cumrada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com