U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xaydka iyo Nifaaska iyo dhiig shubanka

3 xadiis

taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها أَنَّ فَاطِمَةَ بِنْتَ أَبِي حُبَيْشٍ سَأَلَتِ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَتْ: إِنِّي أُسْتَحَاضُ فَلاَ أَطْهُرُ، أَفَأَدَعُ الصَّلاَةَ؟ فَقَالَ: «لَا، إِنَّ ذَلِكِ عِرْقٌ، وَلَكِنْ دَعِي الصَّلاَةَ قَدْرَ الأَيَّامِ الَّتِي كُنْتِ تَحِيضِينَ فِيهَا، ثُمَّ اغْتَسِلِي وَصَلِّي».
Caa'isha, mu'uminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inay tiri: Faadumo Bintu Abii Xubaysh ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee su'aal waydiisay waxayna tiri: Anigu dhiig furan baan leehay oo daahir ma noqdo ee Salaada ma ka tagaa? wuxuu yiri: "maya, taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Faadumo Bintu Xubaysh Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo Salaada ma joojiyaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. Marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji Salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib Dumarku inay ka qubaystaan marka uu ka dhamaado ayaamaha xaydku.
  2. Salaaddu waa ku waajib mida dhiiga istixaadada qabta.
  3. Xaydku: waa: dhiiga dabiici ah oo raximku soo saaro, isagoo soo maraya xubinta taranka ee dumarka qaan gaaray, kaasoo ku dhaca dumarka ayaamo la yaqaan.
  4. Istixaadadu waa: dhiig soconaaya waqti aan ahayn waqtigii dhiiga caadada, kaasoo ka imanaaya qaybta soke ee raximka ee aan ahayn guntiisa hoose.
  5. Farqiga u dhexeeya dhiiga caadada iyo midka istixaadada: dhiiga caadadu waa madow adag oo ur qarmuun, kan istixaadaduna waa casaan khafiif ah oo aan lahayn ur qarmuun.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 72) (325). صحيح مسلم (1/ 262) (333). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص77). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 63). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص40).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib

عن أُمِّ عَطِيَّةَ رَضي الله عنها، وكَانَتْ بايَعَت النبيَّ صلى الله عليه وسلم، قالت: كُنَّا لا نَعُدّ الكُدرَةَ والصُّفْرَةَ بعدَ الطُّهرِ شيئًا.
Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee- waxay la mubaayacootay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxayna tiri: Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib.
رواه أبو داود بهذا اللفظ ورواه البخاري بدون زيادة (بعد الطهر)DarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Saxaabiyada Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee-, waxay sheegtay in haweenku waqtigii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aanay waxba ka soo qaadi jirin biyaha ka yimaada farjiga, kaasoo midabkiisu u eg yahay madow, ama jaale, marka xaydka laga daahir noqodo: looma arki jirin xayd, ugamana tagi jirin isaga salaada iyo soonka.

Faa’iidooyin
  1. Biyaha ka yimaada farjiga haweenka- markay daahirsadaan ka dib- waxba laga soo qaado xataa haday u eg yihiin boora-boorow ama jaale laguma tiriyo inay dhiiga ka mid yihiin.
  2. Imaanshaha dhiiga boora-boorowga ah iyo kan jaalaha ah waqtiga caadada iyo xaydka wuxuu ka mid yahay dhiiga xaydka, waayo waa dhiig waqtigiisii yimid, laakiin wuxuu ku barxan yahay biyo.
  3. Gabadha Caadadu ku dacday Salaada iyo Soonka uga tegimeyso haduu ka yimaado wax Booraboorow ah ama Jaale ah ee ka danbeeya Daahirnimada, balse wey weyso qaadan weyna tukan.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 72) (326). سنن أبي داود (1/ 226) (307). توضيح الأحكام، للبسام (1/ 450). سُبل السلام، للصنعاني (1/ 153).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤْمِنينَ رَضي الله عنها أَنَّهَا قَالَتْ: إِنَّ أُمَّ حَبِيبَةَ بِنْتَ جَحْشٍ الَّتِي كَانَتْ تَحْتَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ عَوْفٍ شَكَتْ إِلَى رَسُولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم الدَّمَ، فَقَالَ لَهَا: «امْكُثِي قَدْرَ مَا كَانَتْ تَحْبِسُكِ حَيْضَتُكِ، ثُمَّ اغْتَسِلِي». فَكَانَتْ تَغْتَسِلُ عِنْدَ كُلِّ صَلَاةٍ.
Caa'isha oo mu'uminiinta hooyadood ahayd Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Umu xabiiba Bintu Jaxash oo ahayd xaaskii Cabdiraxmaan Binu Cowf ayaa Rasuulka Ilaahay scw - uga soo cabatay dhiig-ku batay, wuxuuna ku yiri: "sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro". waxayna ahayd mid qubaysata salaad walba.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Dumarkii saxaabiyada ahaa mid ka mida ayaa uga cabatay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dhiig si joogto ah uga socda, wuxuu ku amray inay salaada joojiso mudadii uu hayn jiray xaydkeedu intaanu ku iman arinkan cusub ee dheeriga ahi, ka dibna ay ka qubaysato oo tukato, waxay suno ahaan u qubaysan jirtay salaad walba.

Faa’iidooyin
  1. Istaxaadadu: waa in haweenayda dhiigu si joogta uga socdo ayaamihii xaydka ay caadada u lahayd ka dib.
  2. Gabadha Istaxaadada qabta waxay isu aqoonsanaysaa inay xayd qabto marka la gaaro mudadii xaydku u imaan jirtay, intaanu ku imaan Istaxaadadu.
  3. marka la dhaafo mudadii ay caadadeedu hayn jirtay, waxay isu aqoonsanaysaa inay ka daahir noqotay xaydkii - dhiigii istaxaadadu haba ka socdee- wayna ka qubaysan xaydkii.
  4. Gabadha istaxaadada qabta kuma waajib aha inay qubaysato salaad walba, waayo qubayska saxaabiyada wuxuu ka ahaa ijtihaad, haduu waajib ahaan lahaa Nabigaa cadayn lahaa-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee-.
  5. Gabadha Istaxaadada qabta waxaa ku waajib ah inay u weyso qaadato salaad walba, waayo dhiigeedu waa joogto aan kala go`ayn, waxayna la mid tahay qof kasta oo xadaskiisu joogto yahay, sida midka kaadidu joogto uga socoto iyo midka neeftu ka socoto.
  6. Waa in la waydiiyo culimada wixii la garan waayo ee ku saabsan diinta, waayo haweenaydaani waxay u cabatay Nabiga scw, waxayna waydiisay dhiig badan ee ka socda.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 264) (334). توضيح الأحكام، للبسام (1/ 447). شرح النووي على مسلم، (4/ 25). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (1/ 390).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com