U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤْمِنينَ رَضي الله عنها أَنَّهَا قَالَتْ: إِنَّ أُمَّ حَبِيبَةَ بِنْتَ جَحْشٍ الَّتِي كَانَتْ تَحْتَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ عَوْفٍ شَكَتْ إِلَى رَسُولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم الدَّمَ، فَقَالَ لَهَا: «امْكُثِي قَدْرَ مَا كَانَتْ تَحْبِسُكِ حَيْضَتُكِ، ثُمَّ اغْتَسِلِي». فَكَانَتْ تَغْتَسِلُ عِنْدَ كُلِّ صَلَاةٍ.
Caa'isha oo mu'uminiinta hooyadood ahayd Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Umu xabiiba Bintu Jaxash oo ahayd xaaskii Cabdiraxmaan Binu Cowf ayaa Rasuulka Ilaahay scw - uga soo cabatay dhiig-ku batay, wuxuuna ku yiri: "sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro". waxayna ahayd mid qubaysata salaad walba.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Dumarkii saxaabiyada ahaa mid ka mida ayaa uga cabatay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dhiig si joogto ah uga socda, wuxuu ku amray inay salaada joojiso mudadii uu hayn jiray xaydkeedu intaanu ku iman arinkan cusub ee dheeriga ahi, ka dibna ay ka qubaysato oo tukato, waxay suno ahaan u qubaysan jirtay salaad walba.

Faa’iidooyin
  1. Istaxaadadu: waa in haweenayda dhiigu si joogta uga socdo ayaamihii xaydka ay caadada u lahayd ka dib.
  2. Gabadha Istaxaadada qabta waxay isu aqoonsanaysaa inay xayd qabto marka la gaaro mudadii xaydku u imaan jirtay, intaanu ku imaan Istaxaadadu.
  3. marka la dhaafo mudadii ay caadadeedu hayn jirtay, waxay isu aqoonsanaysaa inay ka daahir noqotay xaydkii - dhiigii istaxaadadu haba ka socdee- wayna ka qubaysan xaydkii.
  4. Gabadha istaxaadada qabta kuma waajib aha inay qubaysato salaad walba, waayo qubayska saxaabiyada wuxuu ka ahaa ijtihaad, haduu waajib ahaan lahaa Nabigaa cadayn lahaa-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee-.
  5. Gabadha Istaxaadada qabta waxaa ku waajib ah inay u weyso qaadato salaad walba, waayo dhiigeedu waa joogto aan kala go`ayn, waxayna la mid tahay qof kasta oo xadaskiisu joogto yahay, sida midka kaadidu joogto uga socoto iyo midka neeftu ka socoto.
  6. Waa in la waydiiyo culimada wixii la garan waayo ee ku saabsan diinta, waayo haweenaydaani waxay u cabatay Nabiga scw, waxayna waydiisay dhiig badan ee ka socda.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 264) (334). توضيح الأحكام، للبسام (1/ 447). شرح النووي على مسلم، (4/ 25). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (1/ 390).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Xaydka iyo Nifaaska iyo dhiig shubanka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com